|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciyaaryahankii Hore Ee Kubada Cagta George Weah Oo Noqday Madaxwaynaha Liberia
December 29, 2017 - Written by Reporter:Hargaysa (W,N)-Ciyaaryahankii hore ee Kubadda Cagta marna ku guuleystay Laadka ugu wanaagsan dunida George Weah ayaa noqonaya Madaxweynaha dalka Liberia kaddib doorashadii ka dhacday dalkaas Salaasadii aynu ka soo gudubnay. Guddiga doorashada dalka Liberia ayaa sheegay in codadka la tiriyay oo ah 98.1% uu Mr Weah uu hogaamiyaha isbahaysiga isbedelka dimuqraadiga uu ku guuleystey codad gaadhaya 61.5%. Ninka la tartamayay oo ah Joseph Boakai ayaa aad uga hooseeya waxana uu helay codad gaadhaya 38.5%. Mr Weah oo ah 51 sano jir ayaa talada kala wareegaya Ellen Johnson Sirleaf oo ah haweeneydii ugu horeysay ee si dimuqraadi ah loogu doorto wadan ku yaal qaarada Afrika. Warka ah guusha uu gaadhay Mr Weah marka la maqlay ayaa waxaa magaalada caasimada ah ee Monrovia ka bilowday dabaaldegyo iyo xaflado ay dhigayaan taageerayaasha Mr Weah. Related posts:Dhulbahante iyo Majeerteen oo islaynaya ayaa Dawladda iyo Isaaqba Istareex ku yihiin Miyaa" La Taliy... “Kulanka Madaxweynaha Iyo Ergada Waxaan filayaa Inuu ku Dhamaado Guul Iyo Wanaag”Siyaasi Maxamuud Si... Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada oo ku sifeeyey ka reebida Madaxweynuhu Faysal Cali Waraabe ka ree... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|