Ciidanka Dab-demiska Oo Ka Warbixiyay Sida ay Ugu Guuleysteen Xakamaynta Dab Weyn Oo ka kacay Suuqa Magaalada Tog Wajaale Iyo Tirada Hantida Ciidanku Badbaadiyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Dab-demiska Oo Ka Warbixiyay Sida ay Ugu Guuleysteen Xakamaynta Dab Weyn Oo ka kacay Suuqa Magaalada Tog Wajaale Iyo Tirada Hantida Ciidanku Badbaadiyay.
December 26, 2017 - Written by Editor:

Warbixinta khasaaraha ka Dhashay Iyo Qaabka Ciidanku Ugu Hawlgalay

Hargeysa [ W,N)  Ciidanka Dab-demiska Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta ku guuleystay Daminta Dab weyn oo kacay Suuqa Degmada Wajaale gaar ahaan Suuqa dhanka Somaliland.

Abaaro 2:45 AM ee Habeenimo ayaa dabku ka bilbaabmay sakaddo ka mida suuqaasi gaar ahaan xaga xigta xadka Somaliland iyo Itoobiya, waxaana Meheradahaa la arkay iyadoo dabku is qabsaday isla markaana uu gaadhay ilaa ku dhawaad kontameeyo Meheradood oo aad iskugu dhaw, manay jirin cid ku dhex jirtay meheradahaa oo ilaalilnaysay. Abaaro 3:30 PM ayaa dadweynaha dabkaa arkay ku soo wargeliyeen Ciidanka Dab-demiska Degmada Wajaale, waxaana ciidanku isla markii lagu soo wargeliyay ay ka hawlgaleen dabkaa una gurmadeen.

IMG_6727

Suuqan ayaa ahaa mid aad u baaxad weyn waxaana uu ku fadhiyay Cabbir ahaan dhul gaadhaya 100 Mitre oo Dherer ah iyo 40 Mitre oo Ballac ah,guud ahaana ahaa (140 Mitre Square).

Ciidanka dabdemiska Wajaale oo hawlgalkaa ku jira ayaa u baahday Gurmad dheeraada waxaana u kala baxay Ciidanka Dab-demiska Hargeysa iyo Ciidanka Dab-demiska Boorama oo ka soo kala gurmaday magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama, waxaana ay bilaabeen hawlgalka dabkaa iyadoo ciidanka dabdemisku hawlgal adag ka fuliyay dabkaa wax ka qabashadiisa.

IMG_6278

Xakamaynta Dabkaas oo ahaa mid weyn ayaa qaatay saacado waxaana ciidanku xakameeyay dabkaa Abaaro 8:00 Subaxnimo ee saaka, waxaana ay ku dhawaayeen tirada meheradaha gubtay ilaa 90 Meheradood oo iskugu jiray Kontameeyo Meherado waaweyn iyo ilaa Afartameeyo ahaa meherado yar yar.

Ciidanka Dabdemiska JSL ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiyaan Hanti ilaa 16 Qasnadood oo ay ku jiraan mida ugu yar lacag ahayd $12,000 Dollar,waxaana ay ahayd guud ahaan Hantida uu ciidanku badbaadiyay ($ 200,000 US.Dollar) waxaa sidoo kale ciidanka dabdemisku badbaadiyay lacag ahayd Bir qaddarkeeduna ahaa (1,288,000 BIR), Dhanka kale waxaa hantidaa ka weynayd oo ciidanku badbaadiyeen inay ka xakameeyeen dabkaa suuqa intiisa kale oo ah suuq aad u weyn hanti badana ay taallo.

IMG_4868 - Copy - Copy

Hawlgalkaa waxaa ka hawlgalay 102 Dab-demiye oo kala ahaa 70 Dabdemiye oo Hargeysa ka baxay, 12 Boorama ah iyo 20 Dab-demiye oo ka tirsan ciidanka Dabdemiska Degmada Wajaale, waxaana Naftood Hurayaasha Ciidanka Dabdemiska  Dhaawacyo fudud ka soo gaadheen hawlgalkaa  13 Dab-demiye oo Hargeysa ah iyo 5 Dabdemiye oo ah Ciidanka Dabdemiska Wajaale ka tirsan.sidoo kale waxaa iyaguna hawlkaa Qayb weyn ahaa Maamulka Ciidanka Dab-demiska Qaranka Taliye Xigeenka Ciidanka Dab-demiska Qaranka Cabdi Xamiid Faarax Iidle iyo Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-demiska Cabdiqaadir Cumar Xaashi oo si weyn uga qayb qaatay intuu u socday hawlgalkaa samatabixnta ahi.

IMG_6274 - Copy

Gaadiidka Ciidanka Dab-demiska Wajaale, Boorama iyo Hargeysa ayaa ka qayb qaatay waxaana hawlgalkaa ka qayb qaatay 9 Gaadhi oo ay Lix ka mid ahi ahaayeen Gaadiid Dab-demis Halka saddex kalena ay ahaayeen booyado ciidanku leeyahay, waxana ciidanku isticmaalay Shidaal iyo Biyo badan intii hawlgalkaa lagu jiray,sidoo kale waxaa iyaguna kala qayb qaatay Booyadaha Shicibku leeyihiin ee Magaalada wajaale.

Bakhaaradan iyo meheradahan maanta gubtay ayaa waxay isugu  jireen kuwo iibiya qalabka Laydhka, Dharka, Raashinka, Dayactirka gaadiidka iyo meherado kale oo badan, waxaana hantida maanta gubatay marka loo eego ganacsiga iyo hantida taala Magaalada Wajaale ay ka noqonaysaa % boqolayda tiro aad u yar iyadoo suuqaasi uu ka koobanyahay boqolaal sakadood.

Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL, waxaa uu mahadnaq ballaadhan u soo jeedinayaa Maamulka Degmada iyo ka gobolka iyo dhamaan Dadweynaha Degmada Wajaale, Ganacstada, Booyadaha Magaalada iyo shicibweynaha Magaalada. Waxaa iyaguna hawlgalkaa ka qayb qaatay Taliyaha Ciidamada Police ka Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal iimaan, Badhasaabka Gabiley, Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley iyo Maamulka Degmada Wajaale oo dhamaan ka qayb qaatay Hawlgalkaa.

Ugu dambayna hawlgalkaa ayaa ku soo dhamaaday Guul iyo in ciidanku dabkaa ka xamakeeyaan suuqa intiisa kale iyo magaaladaba waxaaana hawlgalkaasi ciidanku soo gabagabeeyay 3:00 PM Galabnimo, iyadoo halkaasina ay ka soo ambabaxeen ciidamada magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama, halka ciidanka Dabdemiska Degmada Wajaale na ay wali heegan kaga jiraan Suuqa Isla markaana heegan u ah hadii dab kale dhaco ilaahay enaguma keene.

 

Wabillahi Tawfiiq.

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL.

Hargeysa/Somaliland.

COMMENTS
LINKS