|
|||||
WAJAALE NEWS
Carruur Xanuunsan Oo Loo Qaaday Magaalo Suuriya Ku Taal Waxana La Go’doomiyay Baabuurtii Siday.
December 27, 2017 - Written by Wariye:
Hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah ayaa todobaadkii hore waxa ay codsi u direen Madaxweyne Bashaar Al-Assad si uu u ogolaado in la daadgureeyo todoba carruur ah oo uu hayo cudurka kansarka. Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Suuriya ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay sawir muujinaya dhowr carruur ah oo ay la socdaan hooyooyinkood kuwaas oo u muuqda inay sugayaan in la geeyo isbitaallada magaalada Dimishiq. Bukaannada ayaa waxa ay ka mid yihiin liiska dad badan oo xanuunno ba’an ay hayaan oo laba bilood ka hor loo gudbiyay Qaramada Midoobay. Faafaahinta qaabka loo gudbiyay carruurtan ayaanan weli kala caddeyn hasayeeshee Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in arrintan ay hirgashay kaddib wadaxaajood dheer oo ay la galeen mas’uuliyiinta Suuriya. Bariga Ghouta ayaa muddo afar sanno ahba waxaa go’doomin ku hayay ciidammada dowladda, iyadoo todobaadyadii la soo dhaafayna la kordhiyay duqeymaha halkaasi lagu hayay.
Abdiqadir Habane Wajaalenews.net Hargeisa Office Related posts:War Degdeg ah: Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Kulmiye Oo Faro Cidood Kaga Badbaaday Rasaas Ay La ... DAAWO; Muj Boobe Oo si Adag uga Hadlay Habdhaqanka Warbaahinta Loo Diido Inay Su’aalo Waydiiyaan M... Gudoomiyaha Guurtida Oo Si Koban Uga Xogwaramay Kulan Shirgudoonkoodu La Yeeshay Gudoomiyaha Golaha ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|