Tuug Gaadiidka Xada Oo Ka Dilaacday Borama+Gaadiid La Xaday Oo Duleedka Borama Laga Helay Kuwo Shilal Lagu Galay Oo Dad Ku Dhinteen Iyo Ciidamada Booliska Oo Ku Daba Jira. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tuug Gaadiidka Xada Oo Ka Dilaacday Borama+Gaadiid La Xaday Oo Duleedka Borama Laga Helay Kuwo Shilal Lagu Galay Oo Dad Ku Dhinteen Iyo Ciidamada Booliska Oo Ku Daba Jira.
December 24, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N) Wararka naga soo gaadhaya magaalada Borama ayaa sheegaya in tuug gaadiidka xada ay ka dilaacday gudaha magaalada Borama,kuwaas oo xaday gaadiid tiro badan.

Tugutan ayaa waxay sitaan sida la sheegay furayaal furaya gaadiidka,waxaana ay gawaadhida ka hor kaxaysteen guryo hortood,suuqwaynaha iyo waliba goobo kala duwan.

Tugtan oo ka kooban laba iyo saddex qof ayaa gaadiid ay la baxsadeen ooa y furfurteen waxa laga helay duleedka magaalada Borama,sidoo kale gaadiid ay la baxsadeen ayaa lagu galay shilal sababay dhimasho iyo dhaawac iyo waliba mid hantiyeed.

Wali si rasmi ah looma qaban tuugtan ,balse ciidamada Booliska gobolka Awdal ayaa ku daba jira soo qabashada tuugtan labaxsanaya gaadiidka.

Bulshada Borama ayaa qaylo dhaan ka muujiyay tuugtan la baxsanaya gaadiidka.

 

COMMENTS
LINKS