Yaa Maslaxaddaadda Hoggaamin Kara Ee Aad Masiirkaaga Ku Aaminaysaa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaa Maslaxaddaadda Hoggaamin Kara Ee Aad Masiirkaaga Ku Aaminaysaa?
November 12, 2017 - Written by Reporter:

Hadda garaadka siyaasadeed ee shacbiga Somaliland wuu bislaaday oo wuxu marayaa heer fiican oo ay ku kala sooci karaan ninka ay hawshau dhiibanayaan

 

Xaruur(3)

Marka ay waajibka tahay in dadweynuhu talada ay goosanayaan aad uga fiirsadaan waa wakhtiga doorashada Madaxtooyada ee ay xulanayaan ninka ay talada waddanka u dhiibanayaa,  masiirkoodana ay ku aaminayaan.

Xilligu waa goor wax saar
Gole lagu dheelayoo
Garsoore ka yahay shacbigu
Waxaa guul sheegan kara
Cidday u garteen iyagu (abwaan Gaariye A.H.U.)

Hadda garaadka siyaasadeed ee shacbiga Somaliland wuu bislaaday oo wuxu marayaa heer fiican oo ay ku kala sooci karaan ninka ay hawshau dhiibanayaan inuu yahay mid si fiican oo daacad ah ugu adeegaya iyo inuu yahay mid khatalaya.

Ciyaartuna geba gebiyo

Waxay joogtaa gamtii

Halkay ku gudhaysay talo
Waxay saacado koobani inaga xigtaa 13 November 2017( doorashadii Madaxweynaha 5aad ee  Somaliland) sidaa awageed waxaan codbixiyayaasha Muwaadiniinta ah kula dardaarmayaa 

inay u codeeyaan:- 

– kan maslaxaddooda ku hoggaaminaya ee aanu noqon mid ka soo horjeeda.

– midka  dhibtoodu damqayso ee dantooda ka shaqeynaya

– ka sida lillaahida ah ugu adeegaya ee horumarka dadka iyo dalka ka shaqeynaya

– kan caadilka ah ee jecel caddaaladda iyo sinnaanta

– kan ay ka dhab tahay ballanqaadyada iyo barnaamijkiisu
inay ka digtoonaadaan:- 

-ka  xoolahooda dhacaya ee ka tabcanaya ee daaro ka dhisanaya

-kan qaraabakiilka samaynaya ee isku xeeraya xigaalkiisa

Guntii iyo gababadii shacbi-weynaha reer Somaliland  waa in ay maankooda ku hayaa in haddii ay doorashadani inoogu dhammaato nabadgelyo, xor iyo xalaal oo natiijadeeda aynu aqbalno in aynu wada guulaysannay oo Somaliland soo jiidan doonto indhaha bulshada caalamka.

Nimaan garanoow u toos!

Waxay eegayaan guddida(Goobjoogayaasha Caalamiga ah)

Galbeed  iyo beri ka yimi

Inuu dadku yahay dad gaya

Waxay baadi goobayaan

Wa billaahi tawfiiq

Somaliland Guul iyo Gobanimo

Cali Xaruuri

Holland

e-mail Adam.32@live.nl

 

COMMENTS
LINKS