Xuska Dhalashada Nabi Muxamed (NNKH) Oo Lagu Qabtay Magaalada Columbus Ee Gobolka Ohio+SAWIRRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xuska Dhalashada Nabi Muxamed (NNKH) Oo Lagu Qabtay Magaalada Columbus Ee Gobolka Ohio+SAWIRRO
November 27, 2017 - Written by Reporter:

Columbus,(W,N)-Boqolaal ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida oo isaga kala yimid Gobolada dalka Maraykanka ayaa soo buux dhaafiyay xaflada dhalashada Nebigeena Suuban (NNKH) kuwaas oo isugu jiray Culumaa’udiin,dhalinyaro,Haween iyo Caruur ay waalidkoodu la yimaadeen goobta si ay u baraan dhaqankii iyo Sunadii wanaagsaneyd ee Nebi Muxamed.

 

wjn-xayaysiis

Culumaa’udiinkii ka hadlay taariikhdii dhalashada ee Nebiga (NNKH) oo ay ku jireen kuwo aan Soomaali ahayn ayaa ku dheeraaday sida ay muqadas ama lagama maarmmaan u tahay in la barto sunadii Nebiga iyo saxaabadiisii loogana baahan yahay waalidiinta qoysaska Muslimka gaar ahaana Soomaalida in ay caruurtooda ku ababiyaan ayna baraan wadadii Rasuulkeena SCW.

 

 

20171127636473391106219280IMG_7603_1 20171127636473389638987178IMG_7485 (1)

Qaar ka mid ah Culimadii xaflada ka hadashay ayaa carabka ku adkeeyey dhibaatooyinka iyo falalka ay geysanayaan dad ku andacooda in ay Islam yihiin ee loogeysto dad Muslimiin ah iyo kuwo aan Muslim ahayn,taas oo ay ku tilmaameen in aysan marnaba qeyb ka ahayn dhaqanka iyo Sunadii Nebi Muxamed SCW loona baahan yahay in si cad looga soo horjeesto falalkaas guracan ee ka dhan ka ah Diinta Islaamka, ayagoo tusaale u soo qaatay qaraxii lala beegsaday Masaajid ku yaala Dalka Masar oo ay ka dhaceysay Xaflad midaan oo kale ah.

Caruur ay da’doodu u dhaxeyso 10 ilaa 15 jir oo kaga qeyb galay Munaasabada lagu wenaynayo dhalashada Nebiga SCW su,aalo iyo jawaabo ku saabsan taariikhda suuban ee Islamka ayaa soo jeetay dareenka ka soo qeyb galayaasha ayagoo si qurux badan u soo bandhigay Taariikhda dhalashada Nebiga oo dhameystiran.

 

 

20171127636473390187035660IMG_7515 20171127636473389912357806IMG_7502 20171127636473390459526838IMG_7518 20171127636473390927160396IMG_7581

 

Isu imaatinada lagu weynaynayo dhalashada nebigeena Muxamed SCW ayaa lagu qabtaa caalmka oo dhan waxaana lagu tilmaamaa in ay muhiim u tahay Ummada Muslimiinta si aan maanka looga saarin ku dayashadda tilmaamihii iyo dhaqankii wanaagsanaa ee Rasuulka SCW.

 

COMMENTS
LINKS