|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Ee Wakhtigeedu Mudadada Kooban Ka Hadhsantahay Oo Wali Ku Mashquulsan Heshiisyo Berbera Ku Saabsan Iyo Kii Ugu Danbeeyay Oo Ah Soonka Ganacsiga Xorta Ah Oo Ay La Saxeexatay DP-World
November 7, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-Shirkadda Dp World ayaa xukuumadda Somaliland la saxeexatay heshiis dhigaya in ay dhul ganacsiga xorta ah u gaar ah (Free Zone) ka samayso dekeda magaalasda Berbera.
War lagu daabacay shabakada wararka ee GULF NEWS oo laga leyahay Isug Tagga Imaaraadka Carabta ayaaa lagu sheegay in Soonka Ganacsiga xorta ah (Free Zone) u noqon doono mid lagu eekaysiiyay ka ku yaala dekeda Jabal Cali ee Imaaraadka. Heshiiskan waxa isniintii shalay Wada saxeexay gudoomiyaha shirkada Dp World Md Axmed Bin Sulaymaan oo isla markaana ah agaasimaha guud ee fulinta iyo wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire. Warkan waxa lagu sheegay in soonka Ganacsiga xorta ah oo ka dhismi doona dhul dhan 12.2 Milyan Kiiloomitir ay shirkada Dp World dhismihiisa u qaybin doonto dhawr waji oo midka hore yahay in la dhiso dhul dhan 4 Kiilo-mitir oo isku wareeg ah,waji kastana la bilaabi doono marka la arko in soonka ka horeeyey boqolkii 85 (85%) la isticmaalay. Bishii sagaalaad ee sanadkii 2016-kii ayaa shirkada Dp World ku dhawaaqday in ay dekeda Berbera ee Somaliland u maalgashan doonto 442 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah,kadib markii ay shirkadu ku guulaysatay heshiis la wareegis shaqo ah oo u ogolaanaya in ay dekeda Berbera ka shaqaysiiso muddo 30 Sano ah. Wakhtigaas ayaanay shirkada Dp World sii sheegtay in uu jiro dhul loogu talo galay in uu noqdo soon ka ganacsiga xorta ah. Xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ayaa u muuqata iyadoo ay maalmo kooban ka hadheen doorashadii inay wali ku mashquulsan tahay heshiisyo cusub oo ay lasii galayso shirkada Dp World,kuwaas oo ku saabsan Berbera. Dhulkan Free Zone ee xukuumaddu heshiiska kula gashay Dp World ayay shacabka reer Berbera ku tilmaamaan dhul ay dad shacab ahi leeyihiin oo ay sharciyo u haystaan,kuwaas oo muddo dheer cashuurta bixinayay. Related posts:DAAWO;-Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Gaadhi Ku Wareejiyay Xarunta Agoomaha Magaalada Gabiley. Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Waftigii Ka Socday Beesha Caalamka Iyo Arimaha A... Gudoomiyaha Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Somaliland Oo Ka Jawaabay Eedayntii Uu U Soo J... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|