Xukuumada Kulmiye shacabka how soo bandhigto Mashruucii biyo gelinta Hargeisa ee lagu bixiyey $153 Million.qalinkii A/rahman fidhinle UK. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Kulmiye shacabka how soo bandhigto Mashruucii biyo gelinta Hargeisa ee lagu bixiyey $153 Million.qalinkii A/rahman fidhinle UK.
November 4, 2017 - Written by Reporter:

Boowe ! Bal hoos udhugo oo u fiirso lacagahan hoose ee Malaayiinka doolar ka ah ee loo qoondeeyey in lagu balaadhiyo.

 

fidhinle

 

In kasta oo lacag Malaayiin doolar ah loo qoondeeyey, hadana nasiibdaro, Waxay Xukuumadda Kulmiye ku fashilantay 7-dii sanadood ee la soo dhaafay in ay hirgeliso biyo-gelin buuxda oo Caasimadda Hargeysa laga fuliyo si ugu yaraan 40% Shacabka reer Hargeisa uhelaan biyo qasabadeed nadiif ah oo joogta ah. Daraasad qoto dheer oo aanu arintan ku sameynay  mudo dheer ka dib, waxaanu ummadda u soo bandhigaynaa in lacagahan hoose ee faraha badan lagu raamsaday biyo gelinta Caasimada Hargeisa.

Boowe ! Bal hoos udhugo oo u fiirso lacagahan hoose ee Malaayiinka doolar ka ah ee loo qoondeeyey in lagu balaadhiyo laguna horumariyo Biyo gelinta Caasimada Hargeisa oo ilaa iyo hada ay Biyo la’aan baahsani ay ka jirto:

1- Dawlada Khaliijka (UAE) ayaa ku deeqday Caasimada Hargeisa lacag gaadhaysa $30 Million oo dollar

2- Midowga Yurub ( EU ) ayaa 2011-kii ugu deeqay JSL $27.5 Million dollar si loogu balaadhiyo biyo gelinta 4 magaalo oo Caasimadu ugu horeyso.

3-Midowga Yurub ( EU ) ayaa 2012 kii ku deeqay dawlada JSL $64 Million dollar si loogu horumariyo 9 mashruuc oo uu mashuuca ugu balaadhani uu ahaa $8.5 Million dollar oo loo qoondeeyey dib-uhabeynta balaadhinta iyo horumarinta biyaha Caasimada Hargeisa taas oo lacagtaa badankeeda ay bixiyeen UK iyo Denmark.

4- Waxaa iyana isla Sanadkaa Qorshe howleedkii Higsiga Qaranka ee 2012-2016 biyo balaadhinta dalka loogu qoondeeyey $28 Million oo dollar oo iyana biyo gelinta Caasimada Hargeisa ugu horeyso.

5- Dawlada Jarmalku waxay biyo fidinta Caasimada Hargeisa ku deeqday lacag badan oo ah $ 23 Million oo dollar

6- Shirkada Coca Cola ayaa iyaduna waxay ku deeqday biyo balaadhinta Caasimada Hargeisa lacag dhan $ 5 Million oo dollar

7- Baanka Aduunku wuxuu ku yaboohay kuna bixiyey biyo gelinta Caasimadda Hargeisa lacag dhan $ 6 Million dollar

8- Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF ayaa waxaa isna Biyo fidinta Caasimadda Hargeisa loogu soo shubay $ 10.5 Million dollar .

9- Mar sedexaad dhawaan hadana midowga yurub ( EU ) wuxuu ku yaboohay lacag dhan $15 Million in ay ku baxayso dhameys tirka mashruuca biyo gelinta Caasimada Hargeisa ee Jamhuuriyada Somaliland oo iska noqday Haan gun’la.

 

Isku darka lacagahaa kor ku taxan ayaa isku noqonaya Total: $153.5 Million Dollar . lacagtan faraha badan ee loo qoondeeyey Qorshe Hawleedyada Higsiga Qaranka ee (2012-2016 ) ee mashaariicda dib u habeynta iyo horumarinta fidinta biyaha Caasimada Hargeisa ayaa ilaa hada laga haraadan yahay. Waxaa guud ahaan shacabka reer Somaliland iyo fo’aan araga aqoon yahanka reer Hargeisa ay isweydiinayaan meesha ay martay iyo ceel biyoodyada ay ku baxday lacagtaa tirade badan ee Malaayinka Dollar ka kor u dhaaftay ee Aduunku inoogu deeqay.

 

Aniga ka shidaal qaadanaya Mashruucan fashilmay ee biyo gelinta Caasimada Hargeisa waxaan shacabka reer Somaliland  u cadeynayaa in Barnaamijyada cusub ee xisbiga Kulmiye ay yihiin qaar  hore loo soo tijaabiyey kuwaas oo aan marna ka turjumeyn baahiyaha aas-aasiga ah ee Codbixiyayaasha Somaliland sidaa daraadeed rajada keliya ee maanta shacabka JSL bad-baadin kartaa ay tahay iyaga oo shacabku codkooda iyo cududooda ku doorta Xisbiga isbedel-doonka ah ee Waddani.

” Isbedelku maaha oo keliya Kulmiye Kulmiye ku bedel ee waa in isbedel cusub iyo dawlad cusubi dalka ka dhalataa si kefedii miisaanka ee xaqa aheyd dalka loogu soo celiyo” !!.

Alleh ayaa Mahada Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom

 

 

COMMENTS
LINKS