Wax Ka Ogow Dariiqada Suufiyada Masar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wax Ka Ogow Dariiqada Suufiyada Masar
November 30, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Suufiyada waa mad-hab ku dhisan hanaan cibaado, kana soo horjeeda nooc kasta oo rabshad ah,Suufiyada waxa ay si joogto ah u siyaartaan ahlu beydka iyo dadkii waliyada ahaa ee diinta islaamka meel dheer gaadhsiiyay, iyaga oo sidoo kale dhiga moowliidka ama dhalashada nabiga.

 

_98984719_suufiyada.png

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay sameeyaan suufiyada ayaa ah digriga iyo munaasabadaha diinta ah.

Mad-habka suufiyada waa mid ka jira dunida islaamka oo dhan, waxaana laga heli karaa suniga iyo shiicadaba.

 

wjn-xayaysiis

Dalka Masar waxaa ku nool illaa 15 milyan qof oo ku dhaqma mad-habta suufiyada, kuwaas oo sii kala raacsan illaa 77 dariiqo oo suufiyadda ah, tan ugu weyna waxa ay tahay Al-Rifaaciya taas oo leh illaa labo milyan qof oo taabacsan iyo dariiqada Al Azmiya oo illaa milyan qof ay taabacsanyihiin.

Jihaadka iyo Suufiyada

Mad-habyada salafiga iyo dadka jihaad doonka ah waxa ay aad uga soo horjeedaan suufiyadda, waxa ay ka mamnuucaan in ay masaajidada ku cibaadeystaan dadka taabacsan suufiyadda, iyaga oo u arka digriga iyo siyaarada dhaqamo aanan islaamka waafaqsanayn.

Kooxda Daacish ee jihaad doonka ah ee ku sugan waqooyiga Sinai ayaa weeraro isdaba joog ah ku hayay suufiyada muddo sanad ah.

Bishii November 2016-dii, waxa ay goowraceen nin sheekh ah oo 98 jir ah, magaciisuna yahay Sheekh Suleymaan Abu Xaras, kaas oo si weyn looga tixgalin jirey suufiyada dhexdooda. Dilka ka hor ayaa laga afduubtay gurigiisa oo ku yaala magaalada Al Cariish.

Bishii decembar ee xigtay, wargays ay Daacish leeyihiin ayaa lagu soo daabacay digniino loo diray dadka suufiyadda guud ahaan Masar, gaar ahaan Sunai.

Waxa digniinta wargeyska ay si gaar ah digniinta ugu dirtey dariiqada Al Jariiriya oo isu imaatinadooda ku qabta magaalooyinka Biir Al Cabiid iyo masaajidka Al Rawda, waxaana lagu hanjabay in la cidhib tiri doono dariiqadaas suufiyada ah.

Sheekh Khaalid oo ka mid ah dariijadan ayaa sheegay in dadkii la laayay boqolkiiba 90% ay ka tirsanyihiin dariiqadiisa.

Waxa uu sheegay in dariiqadan la asaasay sanadkii 1940kii, kana koobantahay illaa 130 masaajid oo dalka oo dhan ku kala yaala.

Suufiyada iyo Siyaasadda

Madaxda suufiyada xidhiidh wanaagsan ayay waligood la lahaayeen dowladda Masar, wuxuuna xidhiidhkan soo biloowday sanadkii 1960-kii markii uu Masar qabsaday Jamaal Cabdinaasir, kadibna waa uu sii socday illaa labadii madaxweyne ee ka dambeeyay ee kala ahaa Anwar Saadaat iyo Xusni Mubaarak.

Kadib kacdoonkii Mubaarak lagu riday sanadkii 2011-kii, waxa ay galeen siyaasada, iyaga oo samaystay xisbiyada xoreynta Suufiyadda Masar, wuxuuna ka qeybgaleen doorashooyinkii dhacay.

Waxa ay taageereen afgambigii lagu sameeyay madaxweyne Maxamed Mursi sanadkii 2013-kii kadib mudaaharaadyadii dhacay ee isaga looga soo horjeeday, waxayna si cad u taageereen madaxweyne Cabdifataax Sisi doorashadiisii 2014-ka.

 

COMMENTS
LINKS