War Deg Dega: Murrshax Cirro Oo Shir Deg Deg Ah Isugu Yeedhay Masuuliyiinta Xisbiga Waddani | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Dega: Murrshax Cirro Oo Shir Deg Deg Ah Isugu Yeedhay Masuuliyiinta Xisbiga Waddani
November 21, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Wararka hada soo gaadhaya Xafiiska Warqabadka Shabakada Wararka Wajaalenews ayaa waxay sheegayaan in Murrashaxa Xisbiga Waddani uu shir deg deg ah iskugu yeedhay guud ahaan masuuliyiinta kala duwan ee xisbigaasi.

 

breaking-news

Shirkan ayaa ka furmaya Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, iyada oo dhinaca kalana ay Koomiishanka Doorashooyinku ku dhawaaqeen natiijada doorashadii madaxtooyada oo ay sheegeen inay heleen Murrashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi Iyo Saylici .

Waxaana la filayaa inay soo saaraan mawqifka ay ka qabaan natiijada doorashada madaxtooyada oo ay hore u sheegeen in loogu shubay xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

Sidoo kale Shirkan ay yeelanayaan masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga Waddani ayaa laga filan karaa inay si cad uga hor yimaadaan natiijada doorashada ee ay goordhawayd ku dhawaaqeen guddida doorashadu.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS