|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Siilaanyo Oo Is Casilaadii Ka Aqbalay Wasiirkii Shaqada, Bedalkiisana Magacaabay
November 7, 2017 - Written by Reporter:WAR-SAXAAFADEED: 07/11/2017
Ujeeddo: Aqbalaad Is-casilaad Ku: Mudane, Maxamed Cabdillaahi Oobsiiye Mudane, Aniga oo ka duulaya qoraalka aad i soo gaadhsiisay, ee ujeedadiisu tahay ka tagid xilkii aad haysay ee Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaan kaa aqbalay is-casilaadaada aad ii soo gudbisay. Sidaa darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan. Magacaabid Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cismaan Cabdi Sheekh Muxumed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH
Related posts:Shirki Golaha Wasiirada Ee Khamiislaha Ahaa Oo Lagaga Hadlay Arimaha Xuduudka IYo Sidoo Kale Hawada ... Dawladda Ingiriiska Oo Ku Adkaysatay In Aqoonsiga Somaliland Ku Iman Karo Wada Hadal Dhex Mara Harge... Raysal-wasaaraha Soomaliya Oo Gudi Baadha Usaaray Cabashada Waalidiin Caruurtoodii Tababar Loo Geeya... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|