War Deg Deg Ah: Guddida Doorashada Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Ka Soo Baxday Doorashadii Madaxtooyada Iyo Murashaxiinta Ku Guulaystay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Guddida Doorashada Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Ka Soo Baxday Doorashadii Madaxtooyada Iyo Murashaxiinta Ku Guulaystay
November 21, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N):-Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada ka soo baxday doorashadii madaxtooyada ee somaliland.

 

images (1)

 

Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka hadlay munaasibada ay kaga dhawaaqeen natiijada doorashada madaxtooyada ayaa taageerayaasha ugu baaqay inaanay samaynin wax dabaal deg ah oo waxyeeli kara amaanka dalka.

Gudoomiye Cabdiqaadir Iimaan Oo Sheegay Inay Doorashadii Madaxtooyada Ku Guulaysteen Murashaxiintii Xisbiga Kulmiye ee Murashaxii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Iyo Murashaxii KU Xigeenka U Ahaa Ee Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

 

Xisbiga Kulmiye ee uu Murrashaxa u yahay Muuse Biixi ayaa sida uu sheegeen guddiga doorashada waxa uu helay 55.19%.

Xisbiga Waddani ee uu Murrashaxa u yahay Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxa uu helay 40.73%

Xisbiga UCID oo uu  Murrashaxa u yahay Faysal Cali Waraabe waxaa uu helay 4.17%.

 

COMMENTS
LINKS