War Deg Deg Ah Daadad Duufaan Ah Ayaa Duleedka Magaalada Athens ku dhuftey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah Daadad Duufaan Ah Ayaa Duleedka Magaalada Athens ku dhuftey
November 15, 2017 - Written by Wariye:

dufanoHargeisa(WJN):- Daadad duufaan ah ayaa ku dhintay ugu yaraan 11 qof oo ku noolaa galbeedka caasimadda Giriiga, Athens, iyada oo kooxo gurmad ah ay wali raadinayaan shakhsiyaadka maqan. Dhimashada ayaa ka dhacay Mandra, Nea Peramos iyo Magoula, halka mas’uuliyiinta magaalada Megara ay sheegeen in ay raadinayeen dhowr qof oo la waayay. “Waxaan helnay boqolaal wicitaanno oo gargaar ah,” Stavros Fotiou, oo ah duqa degmada Ku-xigeenka Megara, ayaa Al Jazeera khadka telefoonka ugu waramay.

“Waxaan isku dayeynaa in aan gaarno meelaha qaarkood oo aan furno waddooyinka, laakiin roobku wali ma joogsan,” ayuu raaciyay. Fotiou weli ma xaqiijin karo tirada guryaha iyo baabuurta burburay, laakiin wuxuu sheegay in maamulka degmooyinka ay la shaqeynayaan waaxda dabka si ay u caawiyaan dadka barakacay.

duufaano

Yiannis Kemmos, oo ah wariye maxalli ah oo ku sugnaa goobtii daadadka, ayaa sheegay in ay jirto “argagax badani inta lagu jiro roobabkii ugu cuslaa”.

 

“Gaadhi badan ayaa la burburiyay ama jajabay waddooyinka, dad badan ayaa banaanka jooga sababtoo ah gurigooda ayaa daadad galay,” ayuu u sheegay Al Jazeera taleefanka.

 
“Dadku waxay sugayaan gargaar, laakiin intooda badan uma muuqdaan inay halis ku jiraan hadda.”

Ra’iisul wasaaraha Alexis Tsipras ayaa sheegay in warar la soo galiyay Twitter uu “aad uga naxay” sababtoo ah dhimashada nolosha oo ay sababtay “duufaan murugo leh”. Wuxuu sheegay in koox xukuumda ah loo direy aagga si loola socdo maamulka degaanka oo ku saabsan howlgallada samata bbixinta iyo dadaallada gargaarka.
Nikos Voutsis, oo madax ka ah baarlamaanka Giriiga, ayaa soo saaray bayaan muujinaya tacsidiisa qoysaska dhibanayaasha.  Sida laga soo xigtay warbaahinta Giriigga, roobabka culus ayaa la filayaa inay sii wadaan fiidnimada oo dhan.

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS