|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah Daadad Duufaan Ah Ayaa Duleedka Magaalada Athens ku dhuftey
November 15, 2017 - Written by Wariye:
“Waxaan isku dayeynaa in aan gaarno meelaha qaarkood oo aan furno waddooyinka, laakiin roobku wali ma joogsan,” ayuu raaciyay. Fotiou weli ma xaqiijin karo tirada guryaha iyo baabuurta burburay, laakiin wuxuu sheegay in maamulka degmooyinka ay la shaqeynayaan waaxda dabka si ay u caawiyaan dadka barakacay. Yiannis Kemmos, oo ah wariye maxalli ah oo ku sugnaa goobtii daadadka, ayaa sheegay in ay jirto “argagax badani inta lagu jiro roobabkii ugu cuslaa”.
“Gaadhi badan ayaa la burburiyay ama jajabay waddooyinka, dad badan ayaa banaanka jooga sababtoo ah gurigooda ayaa daadad galay,” ayuu u sheegay Al Jazeera taleefanka. Ra’iisul wasaaraha Alexis Tsipras ayaa sheegay in warar la soo galiyay Twitter uu “aad uga naxay” sababtoo ah dhimashada nolosha oo ay sababtay “duufaan murugo leh”. Wuxuu sheegay in koox xukuumda ah loo direy aagga si loola socdo maamulka degaanka oo ku saabsan howlgallada samata bbixinta iyo dadaallada gargaarka.
Hargeisa Office Wajaalenews.net Wariye:Abdiqadir Habane Related posts:DAAWO;-Maayarka Magaalada Gabiley Oo Munaasibad Casho Sharaf Ah Ku Maamuusay Xubno Katirsan Qurba Jo... “Murashax/Ganacsade Bookh; Muwaadin Shacabkiisa Uga Waxqabad Iyo Damqasho Batay Kuwii Ay Doorteen” Hay'adda Xuquuqda Aadamaha Ee Human Rights Watch, Oo Dawladda Kenya Ugu Baaqday In Ay Joojiso Tacdig... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|