|
|||||
WAJAALE NEWS
Talo Iyo Tilmaan Ku Wajahan Xisbiyada Siyaasada Iyo Madaxweynaha La Doortey Ee Somaliland
November 23, 2017 - Written by Reporter:Waayaha iyo wakhtigu waa mid ku socda xaawli oo loo bahan yahay in aynu ilbidhiq
si kasta ka faa’iideysano goorsheegta,horumarku ma aha mid ku yimaada riyo iyo si iska nasiib ah waa se mid ka dhasha shaqo adag,Samir,Allah(swt) oo talada la saarto,iyo qalbi soo jeeda oo ay ku sifoobaan adoomaha Allah. Sidaa aan u arko dhamaanteen waxa waajib inagu ah in aynu dhisno,horumarino,difaacno dalkeena . Waxaa aan u arkaa in aynu is waanino isna tusaaleyno sidii aynu meel qudha uga soo wada jeesan lahayn horumarka dadkeena iyo dalkeena. Waxaa laga weriyay Abuu-Ruqayya Tamiim ibn Aws ad-Daarii (Alla ha ka raalli noqdee), in Nebigu yidhi SCW: “Diintu waa waano.” Waxaannu nidhi, “Yuu u yahay?” Wuxuu yiri, “Wuxuu u yahay Alla iyo Kitaabkiisa, iyo Rasuulkiisa, iyo madaxda muslimiinta iyo dadweynahaba.” Waxaa weriyay Muslim. Sharaxa Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa qiimaha weyn ee waanadu ku leedahay Diinta Islaamka, Diintu waxay waano u tahay Ilaahay waxaa looga jeedaa: in la aqbalo waanadiisa uu dadka ugu yeeray, in la rumeeyo keli ahaantiisa, in lagu sheego wuxuu isagu isku tilmaamay, lagalana haro shirkiga ama wadaajinta cibaadada, xaqa Ilaahayna aan cid kale la siinnin, nicmaduu kuugu deeqay aan cid kale loo tiirin. Wuxuu diinku waana u yahay Kitaabka Ilaahay: in la rumeeyo inuu yahay kitaab ka soo degay xagga Ilaahay, kaddibna la xurmeeyo laguna camal falo. Wuxuu diinku waano ugu yahay Nebiga SCW in la rumeeyo inuu yahay Rasuulkii Ilaahay u soo diray dadka lana rumeeyo wuxuu sheego oo dhan, lana raaco awaamiirta uu faro, lagana dheeraado wuxuu reebo. Madaxda Muslimka wuxuu diinku waano ugu yahay waa in xaqa loogu gargaaro wixii gefef ama qallooc ah lagu baraarujiyo amarrada ay soo saaraan oo ay dadka ugu daneynayaan, shareecadana waafaqsan in la fuliyo, inaan loo baarin ceebo, inaan laga faafin dacaayad dadka nacsiisa iyo in lagu gacansiiyo mashaariicda lagu hormarinayo danaha ummadda iyo inaan ammaan been been ah iyo munaafaqnimo lala hoos roorin. Dadweynaha wuxuu waano ugu yahay in lagu hunuuniyo xaqa, in wax la baro, kuwa qalloocan in looga digo xumaanta, kuwa jaahilka ah wax la baro iyo wixi la mid ah. Marka diinkuba wuxuu ku hirgeli karo waa waano iyo wax isu sheeg. Sidaas darteed waa waajib igu ah inaan waaniyo madaxda dalkyga talona siiyo siday ila tahay taladayduna waa mid wax dhiseysa uun. Waxaa laga weriyey Abuu Hureyra (Allaha ka raalli noqdee), in uu Nebiga SCW yiri: Qofkii ka feyda qof mu’min ah kurbo ka mid ah kurbadaha dunida, isagana Alla (SW) baa ka feyda kurbo ka mid ah kuwa qiyaamaha, qofkii u xoolo gooya qof sabool ah, isagana llaahay baa u xoolo gooya ifka iyo aakhiraba, qofkii u xil qariya qof muslim ah, isagana llaahay baa ceebihiisa astura if iyo aakhiraba, qofkii jid mara isagoo cilmi doonaya llaahay baa u fududeeya jidka Jannada loo maro, llaahay wuu u gargaaraa addoomadiisa inta qofku u gargaaray walaalahiisa, Haddii ay jamaaca ku kulanto guri ka mid ah guryaha llaahay iyagoo akhrisanaya Qur’aanka oo is—baraya, waxaa ku soo degeysa xasilloonaan, waxaa dabooleysa naxariis llaahay, malaa’iktuna way la safanaysaa, llaahayna wuxuu ku xusayaa kahlqiga agtiisa jooga. Oofkii camalkiisu reebo nasabkiisu meel marin maayo.
waxaahadaba iga talo iyo tilmaan ah:. 1- Xisbiyada Siyaasada Somaliland Xisbiyada Siyaasadu waa meesha ama isha ay ka soo baxaan hogaamiyayaasha siyaasadeed ee qarankasta,waa jidka carbinta,kala hufka iyo kala haadinta xubnaha xisbiyada,waana goobaha ugu horeeya ee ay tahay inay diyaariyaan madaxda berito ee dal sidaa darteed waxaa ugu horeyba talo ugu soo jeedinayaa:-
Khaladaadka la galey waxaa ugu waaweyn waa adeegsiga social media ha oo warar aan habooneyn laga sii daayey dadna neftooda ku waayeen tani waa mid u baahan in lagu xaliyo sidii ugu haboon ee sharciga waafaqsan.Xisbiyadu waa iney masuul ka noqdaan wixii afkooda ka soo baxa in ay iyagu masuul ka yihiin ficil kasta oo aan faa!iido ugu jirin umada Somaliland iyo qarankeena talaabo na laga qaado dadkii kiciyey dadka ku dhintay rabshadahaasi abaabulnaa.Xisbi iyo qabyaaladi waa kuwo aan wada shaqayn Karin,Sidaa awgeed waxaa iga talo ah in xisbiyadu kor u qaadaan dhisida maskaxda xubnahooda iyo madaxdooda si doorashooyinka dambe loogu ololeeyo xisbinimo,reerahana reernimaduna doorkeeda qarabanimo iyo is aqoonsiga loo dhaafo. 2-Madaxweynaha Cusub (Mudane Muuse Biixi) Mudane Madaxweyne waxaa aan filayaa in aad waayo aragnimo balaadhan iyo xogogaalnimo weyn u lee dahay siyaasada,dhaqaalaha iyo arimaha bulshada waayo mudo dheer ayaad ku soo jirtey siyaasada Somaliland maalmo adag iyo maalmo dabacsanba waxaad ka mid ahayd dadka tirada yar ee ka nool dadkii noftooda u huray dalkan,ilaa imikana sii wada hawlaha lagu dhisayo wadankeena. Kolkaas ku soo dhawoow hawlsha adag ee qabyada badan sida dhismaha qaran aan la aqoonsan,bulsho dhaqaale xumo hayso,abaaro,shaqo la’aan,tabashooyin siyaasadeed , sicir barar,iwm. waxaana kugula talinayaa :
Ugu dambeyntii waxaan kuu rajeynayaa shaqo hufan Alleh na waxaanu kaga baryayaa inuu kugu asturo xilkaa culus ee lagugu gardaadiyey. Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism ©Hogaanka.wordperss.com
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|