Tahriibayaal Laga Soo Badbaadiyey Badda Mediterranean | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tahriibayaal Laga Soo Badbaadiyey Badda Mediterranean
November 12, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Spain ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen in ka badan 250 oo ay caruur ku jiraan,kuwaasi oo isku dayayay in ay ka soo talaabaan badda Mediterranean.

 

_98716848_44747020-9d90-4ebe-8309-221a87f74b83

 

Dadkani ayaa sida ay shaageen saraakiisha Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Spain waxa ay doonayeen in ay gaadhaan dalalka Yurub.

Tahriibayaashani ayaa laga soo badbaadiyay 5 Doon oo ah kuwa yaryar oo ay la socdeen.

Doomahani ayaa la sheegay in ay ka soo shiraacdeen dalka Morocco islamarkana dadka saarnaa ayaa waxay inta badan ka soo jeedaan wadamada Afrika ee Saxaaraha ka hooseeya.

Hay’ada caalamiga ah ee socdaalka ee (IOM)ayaa sheegtay in muhaajiriin ka badan 15,000 ay soo gaadheen Spain sanadkan.

Tirada dadka muhaajiriinta ee u safri jiray Taliyaaniga ayaa hoose u dhacday.

Balse wali waxa Taliyaaniga uu la daalaa dhacayaa tiro ka badan 100,000 oo muhaajiriin ah oo soo gaadhay dalka Taliyaaniga sanadkan.

 

COMMENTS
LINKS