Somaliland Waddan Doorasho Casri Oo Taariikha Yeeshay .Yaase ku Guuleysan-doona? QAYBTA 1AAD. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Waddan Doorasho Casri Oo Taariikha Yeeshay .Yaase ku Guuleysan-doona? QAYBTA 1AAD.
November 10, 2017 - Written by Editor:

Hordhac

Jamhuuriyada Soomaaliland, waa dowlad iyadu madax-banaan oo ku taalla Geeska Afrika. waxay xad la leedahay Jabuuti, Itoobiya iyo maamulka Soomaaliya. waxay ka mid aheyd dhulkii Maxmiyadda Ingiriisku gumaysan jirey, waxeyna xornimadda ka qaadatey Juun 26keeddii 1960 afar maalmood ka dibna waxay la midowday Soomaliya oo Talyaanigu gumeysan jirey. Caasimadda JSL Waa magaalada Hargaysa. AHN Marxuun Cabdiraxmaan Axmed Cali  oo ahaan jirey hogaamiyihii Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Somaliyeed (SNM), ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynahii ugu horeeyay ee Somaliland 1991kii. Waxaa ku xigey AHN Marxuun  Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo noqdey Madaxweynihii Labaad ee Somaliland 1993kii, waxaana ka danbeeyay Daahir Rayaale Kaahin 2002dii . Aminkan la joogo waxa madaxwayne u ah Madaxweyne ,Axmed Siilaanyo 2010kii .Somaliland waxaa ka jira saddex xisbi siyaasadeed Kulmiye, Wadani iyo UCID. taasi oo Doorashada 13ka Nov 2017 waxaa la dooranayaa Madaxweynihii Shanaad…

Maqaalkan waxaan ku eegayaa ama ku falan-qeynaynaa xaalada doorashadda Somaliland : Waxaana maanta soo geba-gabowday ololihii doorashadda ee ay bilihii la soo dhaafay ay ku-jireen Axsaabta siyaasadda ee Somaliland , ka hor doorashada guud oo dhacaysa Maalinta Isniinta ee bishan 13-ka November, isla-markaana loo dareeri doono goobaha coddeynta dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay Jamhuuriyadda Somaliland . Sanaadiiqda  ayaa waxaa la geynayaa .in ka badan 1,642-da goobood ee laga codaynaayo

Waxaa laga yaabaa in aad isweydiiso . Doorashadda Somaliland waa maxay micnaha weyn ee ay xanbaarsantahay . Maxay tahay waxyaalaha taariikhda cusub ee doorashadani ay leedahay. Maxaa ka dhigay mid taariikhiya inay noqoto.

Kuwaasi oo aan kasoo qaadan karno.

1.Ololaha doorashada oo billowday 21-dii Oktoobar siiba dibedbaxyada iyo dhoolatuska taageerayasha xisbiyada ku tartamayaan doorashada madaxtinimada oo lagu wado inay dhacdo 13-ka bisha Novembar. Ayaa  si nabad gelyo ah ku dhacday, oo ayna jirin wax dhibaato ah oo ka dhacday.

doorashada JSL 20176

2.Somaliland ayaa noqotay goobtii ugu horeysay ee Qaaradda Afrika ayna ka dhacdo codbixin,taasi oo ay dadku isticmaalayaan tijnoolajiyadda casriga ah siiba Aduunka horumaray, gaar ahaan reer galbeedka ayaa xagga hore kaga jira in tiknoolajiyadda la isticmaalo marka ay doorasho dhacayso, siiba Aaladda casriga ah ee loo yaqaano Iris oo wajiga qofka aqoonsanaya, haddii uu markale codbixiyuhu soo laabtana sheegaysa. Balse Afrika waa xaajo ku cusub iyo dhacdo taariikhiya ah oo adduunka oo dhan isha maanta ku hayo, gaar ahaan Qaaradda Afrika.Waxayna noqonaysaa markii koowaad oo Afrika gudaheeda doorasho noocan oo kale laga isticmaalo. taasi oo keentay Waxyaabaha taariikhiga ah ee doorashadan ay kaga gedisan-tahay kuwa badan oo caalamka iyo Afrikaba .

  1. Doorasho noocaasi oo ka dhacda Jamhuuriyadda Somaliland Iyadoo aqoonsigii weli ka maqan yahay. Hadana waxaynu saadaalin karnaa inay saacadu soo gaadho dawladnimadda ay ku rajo weyntahay inay ku guuleystaan doonistooda oo aanay guul-daraysan.

Hadaba doorashadda 13-Nov 17 ka dhacaysa jamhuuriyadda Somaliland, waa dhacdo taariikhi ah oo adduunka oo dhan isha lagu hayo, gaar ahaan qaaradda Afrika.

4.Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo : Waa Madaxweyne xil haya mana tartamaayo. taasi caalamka intiisaa kale ka dhicin . in uusan tartamaynin Madaxweyne iyo Raysal-wasasre hadda xilka haya.

5.Arinta kale ee cajiibka ah ayaa waxay tahay: tiro Lixdan (60) kormeerayaal oo caalamiya oo ka kala yimi 24 dal oo adduunka ah, kana midda ururka caalamiga ah ee korjoogtaynta doorashooyinka caalamka ee lagu magacaabo EOM oo ay maal-galiso dowladda Ingiriiska ayaa soo gaadhay Somaliland.

Haddaba qormada Qaybta 2.aad waxaan ku faaqidi doonaa guud ahaan doorashadaasi. Arimaha aan ka hadli doonana waxaa ka mid ah:

  • Xisbigee ayaa la saadaalinayaa inuu guusha la hoydo?
  • Sadex musharax ee xisbiyadaasi kala hogaamiyaase kee soo jiitey kalsoonida dadweynaha Somaliland?
  • Qodobada ugu waaweyn doorashada waa kuwee?
  • Maxayse sadexda hogaamiye ka yidhaahdeen umuuraha: Horumarka Somaliland Sida Aqoonsiga ,Amniga , Caafimaadka, Waxbarashada, Shaqo-la,aanta , dadka soo galootiga ah iyo weliba Adkeynta Arinta Gooni-isutaaga Somaliland.

Dhowaan ayaa la kala bixi doonaa

Saadaasha laga sameynaayo arimaha doorashada, dhamaantood waxaa ay tilmaamayaan in uu doorshada ku guuleysan doono xisbiga ..Balse weli waxaa jira arimo dhowr ah oo wax ka bedeli kara doorashadda.

W/Q: Adan Yusuf Elmi

COMMENTS
LINKS