“Siday Habeenwalba Tilifoon Ugu Dhurmayaan Ayay Caan Noqdaan”Sidiiq Maxamed Birmad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Siday Habeenwalba Tilifoon Ugu Dhurmayaan Ayay Caan Noqdaan”Sidiiq Maxamed Birmad
November 28, 2017 - Written by Editor:

Waayadii hore ninku markuu gabadh doonayo maalmaha uu u geed fadhiisanayo uunbaan la ogaan jiray, muddo kooban oo ilaa bil ahna way ku qaadan jirtay inta uu guurmeerka yahay.

Imika waxaad arkaysaa wiil iyo gabadh ku odhanaya waa sanadkii shanaad ee aanu sheekaysanayno. waar ba’a.. tolow maxay intaa ku sheekaystaan? mise sheekadaan sheekada an moodayo ahayn?

Siday habeenwalba tilifoon ugu dhurmayaan ayay caan noqdaan oo wiilka waxa garanaysa ilaa wadaada uu rabo in ay sodoh u noqoto iyo jaarka.

Ma mooddaa imikana in social mediyhuhu mudadii usii libin laabay?

Ma xidhiidh jacayl iyo guurdoonbaa la odhankaraa mise waa balwad bilaa magac ah.

kolay habluhu iyagu hadii wakhiga kaga lumaya dhafarka laga soo koobo abaalbay ku qabi lahaayeene malaha raggaa sidan il ka gartay.

Markay afar sannadood ugu samraysay maxaad telka iiga qaban wayday, yaa kula hadlayay, ha dhigin, halkii iigu kaalay iyo wax lamida ayay gabadhii yaabtay ninkan aan maalin qudha guur aan kala hadlayn.

Waxay tidhi erayadan

Dumar waa aqbalkeen

Ragna waa arrin keen

Inanoow labadaas

Midna kaama arkee

Maad u jeedo lahayn?

Axdigeena jacayl

Kalkiisii afaraad

Inyarbaa ka hadhee

ma ishaad ku laddaa?

Sidan kaa arkayaa

Aayatiin mallehee

Xidhiidhkeena intaa

Amintaa ku afmeer.

QALINKII ;ABWAAN SIDIIQ MAXAMED BIRMAD OO SOO DHIGAY BARTA UU KU LEEYAHAY XIDHIIDHKA BULSHADAEE FACEBOOKGA

COMMENTS
LINKS