Siciid Cali Muuse Iyo Cabdiqaadir Iimaan Garta Ay Inoo Soorayaan Illaahow Dabkeedda Dambas inooka Yeel Dareenadda Hordhaca ah iyo Joojinta(Social-media) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siciid Cali Muuse Iyo Cabdiqaadir Iimaan Garta Ay Inoo Soorayaan Illaahow Dabkeedda Dambas inooka Yeel Dareenadda Hordhaca ah iyo Joojinta(Social-media)
November 17, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Inkastoo ay tahey Doorashadii u horeysay ee ay qabanayaan Subaxan lagu Waabariistey saaka oo ay bisha noofamber tahey 13/sanadka 2017ka Xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee Xiligan oo ay sigaar ah isugu furan yihiin marka laga taggo shanta xubnood ee kale Afhayeenka Xubnaha Siciid Cali Muuse iyo Gudoomiyaha Komishanka Guud Cabdiqaadir Iimaan,waxa dareeno hordhac ah oo qeybo badan oo bulshada ah fajaciso ku noqotey joojinta ay Shirkadaha ku amreen in la joojiyo guud ahaanba isticmaalka (social Media),ee shacabka u dareeray codbixinta Doorashadda Madaxtooyada ee 2017ku guud ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka dalku ku kala qaadanayaan xogaha iyo dhacdooyinka ku lamaan codbixintu.

faa

Waxaa marag ma doon ah in su,aalo badan la iska weydiiyey sida ay usoo gudbiyeen fariintan oo aheyd si aan hore loogu arag marnaba guud ahaanba Doorashooyinkii dalka kasoo qabsoomey,oo arimaha iyo hawl kasta oo ay Komishanku shuruuc ahaan u gudbinayaan Bulshadu waafaqsaneyd xeerarka iyo dhaqan galka ay isla waafaqaan isla eegaan isla meel dhigaan todobadda xubnood ee Komishanku haseyeeshee,ay tani kali ku ahaayeen Gudoomiyaha iyo afhayeenku,maadaama ay yihiin Komishankii ugu wacyigalinta yaraa intii hore usoo martey hogaaminta Doorashooyinka dalka kasoo qabsoomey islamarkaana, aaney geedi socodkoodii hore ee Diiwaangalinta,iyo qaadashada kaadhka codbixinta marnaba kusoo darin qodobka noocan ah Tusaale ahaana waxa la ogyahey in guud ahaanba shacabka Somaliland dhibaato kala kulmeen Diiwaangalintii bilaa wacyigalinta aheyd,iyo qaadashadii kaadhka oo wakhtiyo kala duwan ay qabteen culeyskeeda iyo dhibaatadeedana laheyd.

Sikasta oo ay tahey, marka laga eego habdhaqanka hore ee loogu soo dulqaatey Komishankan cusub ee ay hogaaminayaan Cabdiqaadir Iimaan Gudoomiyaha Komishanka,iyo Siciid Cali Muuse afhayeenku waxa ku lamaanaa, habeenkii uu soo xidhmey ololihii Doorashada ee Xisbiyadu dareen ka duwan kii looga baahnaa Xubnaha Komishanka ee qabanaya Doorasho nooceeda ah oo culeyskeeda iyo waayaheedaba leh loolankeeduna aad u adag yahey,marka dib loogu noqdo qosolkii iyo wajiyadoodii khiyalka muujinayey, taas oo sii kordhineysa xaqiiq ahaan qaladaadkii badnaa ee mudada kooban laga soo arkey in hogaamintoodan ay ka culus tahey oo aaney miisaankeeda laheyn qabashada Doorashadani wallow sadexda Xisbi qaranba u muujiyeen kalsooni hadana waxa loo dhegtaagayaa Guud ahaanba sida ay u maareeyaan khaladaadka hordhaca ah ee Muraaqibiinta loogu awood sheegtay Gobolka Sanaag ee Xisbiga Waddani iyo qaladaadka kale ee awood adeeegsiga Xukuumadda oo xiligan sitoos ah ula safan Xisbigeeda Kulmiye iyaga laf ahaantooduna u hogaansan yihiin ay ku isticmaasho goobaha codbixinta………..

Lasoco Faallada qeybteeda dambe ee dhacdooyinka goobaha iyo sida ay uga jawaabaan la xidhiidha.

 

COMMENTS
LINKS