Shacabka Somaliland Oo U Dhag Taagaya Ku Dhawaaqista Natiijada Doorashada Madaxtooyada Somaliland+Kulanka Maanta Ee Guddiga Iyo Saddexda Murrashax | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shacabka Somaliland Oo U Dhag Taagaya Ku Dhawaaqista Natiijada Doorashada Madaxtooyada Somaliland+Kulanka Maanta Ee Guddiga Iyo Saddexda Murrashax
November 19, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)- Shacabka Somaliland ayaa waxay aad ugu dhag taagayaan ku dhawaaqista natiijada doorashadii madaxtooyada Somaliland ee Maalinkii Isniinta bishuna ay ahayd 13 November ka dhacday guud ahaanba Somaliland.

 

images

 

Xogo Aanu ka helayno ilo wareedyo u dhuun daloola guddiga Komishanka Qaranka ayaa waxay sheegayaan in guddiga komishanku ay dhameeyeen tirinta codadka gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland,marka laga reebo tirinta codadka gobolka Maroodi-jeex oo wali socda isla maantana la filayo in lasoo dhameeyo tirintooda,waxaana ay xogahani noo iftiimiyeen in kulankii ugu danbeeyey ay maanta wada qaadanayaan guddiga komishanka Qaranka Somaliland iyo murrashaxiinta saddexda xisbi Qaran ee ku tartamayay hanashada hogaanka talada dalka Somaliland isla markaana ay kaga wada hadlayaan halka ay hawluhu marayaan.

Guddiga komishanka Qaranka Somaliland ayaa waxa xoguhu noo tibaaxeen in hordhaca natiijada doorashada la filayo in guddiga doorashooyinku ay ku dhawaaqaan maalinka Salaasada galinkeeda danbe oo ku eeg wakhtigii ay xaqqa u lahaayeen inay haystaan guddigu ku dhawaaqista natiijada doorashada,waxaana ay guddigu u gudbinayaan maxkamadda sare taas oo iyadu sharci u leh inay ku dhawaaqdo natiijada kama danbaysta ah ee doorashada.

Ugu danbayntiina wakhtigii ay dalka ka dhacday doorashadii madaxtooyada Somaliland ayaa waxa kasoo wareegay 7 cisho.

COMMENTS
LINKS