|
|||||
WAJAALE NEWS
“Qurbejoogow, u tudha Qolqol-joogga dalkooda Kabkabtay oo Fidno ha gelin” La-taliyaha M/weynaha ee Nabadeynta Gobollada Bari
November 16, 2017 - Written by Editor:La-taliyaha Mafaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bariga, Eng Cabdinasir Garaad Abshir, ayaa Qurbejoogga dalka ku sugan ku eedeeyey inay hormood ka yihiin hab-dhaqanno bulshada kala fogeynaya oo inta badan lagu baahiyo. Baraha Bulshada iyo warbaahinta qaybaheeda kala duwan xilligan xaasaasiga ah ee Doorashada lagu jiro.
Eng Cabdinasir Garaad Abshir oo arrintan ka hadlayay waxa uu yidhi; “Waddanka waxa yimi ilaa 20Kun oo qurbejoog ah oo labada dhinac Waxaan leeyahay Qurbejoogow qolqol-joogga fidno ha gelin. Labada dhinacba (mucaarad iyo muxaafad) waxay intaa u ordayaan xilal ay raadsanayaan. “Markaa waxaan leeyahay, waar qurbejoogow joojiya hadallada xanafta leh eed waddaan oo dalka u tudha. Waayo dhalinyaradan yaryar ee qolqol joogga ah way saamaynaysaa, marka nin weyn oo Qurbejoog ahi uu u hadlo sidii 90maadkii.” Sidaas ayuu Yidhi Eng Cabdinasir Garaad Abshir. Ugu Dambayntii, Eng Cabdinasir Garaad waxa uu bulshada iyo taageerayaasha xisbiyadaba ugu baaqay inaan laga hordhicin oo la sugo go’aanka Guddiga Doorashooyinka. Related posts:Ra’iisul Wasaaraha UK Oo Cambaareeyay Falal Cunsurimo Ah Oo Lagula Kacay Ciyaartoyda Madowga Ah. Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Jsl Oo Shaaciyey Magacyada Guddida Heer Qaran Ee La-dagaallanka Dhibaat... DAAWO;-Maayarka Magaalada Muqdisho Oo Sheegay In Ay Jiraan Dad Badan Oo Udhintay Coronavirus Oo Aan ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|