Milicsiga Sooyaalkii Xillgudasho Ee Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Arimaha Gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) Ee Xukuumadii Udub!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Milicsiga Sooyaalkii Xillgudasho Ee Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Arimaha Gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) Ee Xukuumadii Udub!!
November 3, 2017 - Written by Editor:

Bulshada S/land Waxay Maanka Iyo Maskaxda Ku Haysaa Aqoontii,Waayo Aragnimadii Iyo Xillkasnimadii Iyo Kaalintii Xillgudasho Ee Ilaalinta Nabadgalyada Iyo Xasiloonida Bulshada S/land,C/Laahi Ismaaciil Cali (Cirro).  

Diiwaanka Taariikhdu waa mid ka marag furaya Masuulka,Aqoon,Waayo Aragnimo xillkiisa u guta,anigoo Qormada diirada Qoraaga ku qaban doona,Aqoontii,Waayo Aragnimadii iyo Xillkasnimadii Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Xukuumadii Madaxwaynihii Hore Ee Daahir Rayaale Kaahin C/Laahi Ismaaciil Cali (Cirro).

ex wasiir cirro

Waxaana xusid gaara mudan,in Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) Bulshada S/land iyo Beesha Caalamka u faahfaahiyay  Sadexdii Qarax ee Ismiidaaminta ahaa ee lagu Weeraray,Maalin ku beegan 29/10/2008, Qasriga Madaxtooyada S/land,Safaarada Dalka Itoobiya ku leeyahay S/land iyo Xafiiska Hayada UNDP ku leedahay dalka S/land.

Hadaba ball aan dib u milicsano,Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha C/Laahi Cirro,oo Natiijo Rasmiya ka soo saaray Muddo Bill ah ka bacdi Sadexdii Qarax,isagoo Wasiirkii hore ee (Cirro) si cad u sheegay in Qaraxyadaasi ka dambeeyeen Ururka Al-shabaab waxaanu yidhi.

Qaraxyadaas dadkii fuliyey waxay ahaayeen Lix Qof oo mid ka mid ahi u dhashay S/land,halka Shanta kalena ay ka soo jeedaan Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in Laba ka mid ahi si toos ah u Aqoonsadeen,Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Xukuumadii Rayaale isagoo hadalkiisa sii wata waxuuna yidhi.

“Qaraxyada S/land ka dhacay 29-kii October 2008 ee Dhimashada, Dhaawaca iyo khasaarahaba geystay ee Dawlada Somaliland gil-gilay, waxa laga joogaa maanta Sagaal iyo Labaatan Maalmood,Muddadaasna waxa lagu gudo jiray baadhis si xaqiiqada loo ogaado, iyada oo ay weli baadhisteedii socoto oo ay Natiijada u danbeysa Maxkamadu leedahay ayaan doonayaa maanta in aan u iftiimiyo Ummada u sheegno in badan ayey dhegtu taagnayd, Weerarkaas ciddii ka dambeysay ee soo abaabushay ee Madaxda ka ahayd ee hawlgalka fulisay kuwii dhintay iyo kuwa noolba meel kasta oo ay joogaan-ba waxaa weeyaan Ururka la yidhaahdo Al-shabaab,”sidaa waxaa yidhi Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha C/laahi Cirro ee Xukuumadii Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin .

Mar kale Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumadii Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale,C/laahi Cirro oo ka hadlayey dhacdadan ugu dambaysay cidda ka fulisay iyo cidda ka dambaysayba wuxuu yidhi;“Kiiskan ugu dambeeyey Axmed Cabdi Godane iyo Mukhtaar Al-Mansoor Roobow Labadoodaasi ayaa abaabulkiisa lahaa,halkan Ninka isaguna Abaanduulaha Koowaad ka ahaa waxa la yidhaa Cabdifataax Cabdilaahi Guutaale oo Green Card Mareykan ah sita, in uu sax ahaa iyo in kale mooyaane Baasaboor Soomaali ahna laba jeer kaga soo degay marna Airport-ka Hargeysa kagana dhoofay Labada goorba Baasaboorka, waa isla kii hase yeeshee,Magaca ayay kala beddelen,marna waxa ku qoran Cabdilaahi Guutaale,marna waxa u qoran Axmed Muuse iyo Nin-kale oo la yidhaahdo Nuur Sheekh Muxumed oo baxsaday iyo Nimanka iminka arrintan u xidhan oo markaan Maxkamada u gudbino aad xaqiiqdooda ogaan doontaan.”

cabdilaahi cirro

Faah-faahinta Dilalkii Qorshaysanaa Ee Ururka All”Shabaab La Beegsaday Ajanabiga Hayadaha Gargaarka Bani”Aadanimo Ka Shaqeeya Iyo Dhacii AY Kula Kaceen Bulshada S/land.

Sidoo kale waxuu Bulshada S/land u Faah-faahiyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha Gudaha C/laahi Cirro ee Xukuumadii Madaxwayne Rayaale si ay ka muuqato Aqoon,Waayo Aragnimo iyo Xillkasnimo u Tirada Dilalka Qorshaysan ee ay fuliyeen Kooxda All-Shabaab Gudaha S/land,iyo Tirada Qaraxyada ay damacsanayeen ee la qabtay ama la fashiliyay bilaw illaa dhamaad,waxaanu yidhi Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha Gudaha C/laahi Cirro ee Xukuumadii Madaxwayne Rayaale.

Maaha markii ugu horreysay ee Al-Shabaab soo Weerarto Somaliland, balse waxay ka dambeysay weeraradii hore uga dhacay S/land, oo lagu laayey Dad Ajaanib ah oo hawlo Samafal u joogay dalka.

“Kooxda Al-shaabab maaha markii ugu horreysay ee ay S/land soo weerarto,

1: 19/9/2000, waxay afduubeen gaadhi ay lahayd Hayada Cunada Aduunka WFP, kooxdii Afduubtay waxa Madax ka ahaa Nin-kii la yidhaa     ( Jaamac Kuutiye) ee kooxdii Dhoqoshay-na watay.

2: 30/12/2002, waxaa ku xigay dilkii Nin Hayadaha Gargaarka oo la odhan jiray ( Martin ) ee Huteel Star horteeda lagu dilay.

3: 05/10/2003, waxaa ku xigay Dill Magaalada Boorma loogu gaystay Gabadh Ajanaanib ah oo ka saqaynaysay Samofalka Bulshada S/land oo lagu magacaabi jiray (Alaniili Tonelli)

4: 8/11/2003, waxaa ku xigay dhacii Magaalada Wajaale laga dhacay Lacag aad u badan oo Doolara Lacagta oo Ururka All-Shabaab fuliyay.

5: 22/11/2003, waxaa ku xigay Dilkii lagu dilay Magaalada Sheekh Lamaanihii Dugsiga Sheikh ka shaqaynayay ee Macalimiinta ka ahaa.

6: 19/3/2004,waxaa ku xigay Dilkii Gabadhii Sawaaxiliyada ahayd oo Hayadaha Gargaarka ka shaqaynaysay oo lagu Dilay Tuulada la yidhaahdo Diin-qal  .

7: 27/4/2006, waxaa ku xigay Miino aad u fara badnayd oo lagu qabtay Hargeysa waxaa ka dambeeyay Ururka All-Shabaab

8: 22/9/2005, waxaa la qabtay hawlgal ballaadhan oo lala doonayey in Goob-joogayaashii Doorashada Barlamaanka lagu laayo oo Xamar laga soo abaabulay oo Nimanka Al-shabab Madaxda ka ahaa gaar ahaan Aadan Xaashi Cayrow iyo Ninka layidhaahdo Axmed Cabdi Godone,Ibraahim Jaamac Meecaad ay soo abaabuleen kaasina waxa uu dhacay,waxaa kooxda madax u ahaa Axmed Cabdi-Godane,waqtiagaas ayuu ka baxsaday S/land intii ka danbeysay waxuu noqday Madaxda Sare ee Al-shabaab.”Ayuu yidhi wasiirku.

Ugu dambeyntii Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha C/laahi Ciro waxuu yidhi“Cadowga S/land ilaa Maalinta hore ilaa Maanta waxa kiisas is-daba jooga ah cidda ka masuulka ah ee aan Caalamkana u sheegaynaa, Ummada S/land aan u sheegayaa ee aanu leenahay waa Cadowgiina Koowaad ee ogaada Waa Al-shabaab,Waa Al-shabaab,Waa Al-shabaab, iyagaa Madax ka ah Maalintii dhawayd markii ay arrintani dhacday waxa uu ina Cabdi-Godane ku khudbadeeyey,Waajibaad ayaa la soo gutay aad iyo aad ayey ugu riyaaqeen,waxa isaguna ku jiray Xasan Turki,”

Waxaase iswaydiin mudan,Madaxwayne Siiraanyo Muddo Xileedkiisa Ma Magacaabay Wasiir Ama Masuul La Aqoona,La Waayo Aragnimo Ah,Oo La Xillkasnimo Ah,Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Arimaha Gudaha C/Laahi Ismaaciil Cali (Cirro) Ee Xukuumadii Madaxwaynihii Hore Daahir Rayaale Kaahin ?

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

WRITING;WAJAALENEWS STAFF

 

LASOCO  QORMOOYIN KALE OO XIISO LEH

COMMENTS
LINKS