Midkay Ajiibi Doonaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Baaqii Culimada Ee Maalinta Jimcaha Cibaadada Alle Darteed Loo Joojiyo Isu Soo Baxa Iyo Diidmada Murashaxa Kulmiye ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Midkay Ajiibi Doonaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Baaqii Culimada Ee Maalinta Jimcaha Cibaadada Alle Darteed Loo Joojiyo Isu Soo Baxa Iyo Diidmada Murashaxa Kulmiye ?
November 2, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa (W,N) Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Oo Diiday Baaqii Culimada S/land Kaga Codsadeen In Maalinta  Jimcaha Cibaadada Alle Darteed U Joojiyo Ololaha Doorashada Madaxwaynaha Iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Oo La Filayo In Ay Maalinta Barri Ajiibayaan Baaqii Culimada  Oo Qofna U Soo Bixi Doonin

muuse4

Gar maqaatayaashiyo dadkaa beera ruuxa gudhane

Ganbo ninaan la soo bixin hadii guulo lagu waabo

Markuu dhaawac  gaystaba hadii loo gargarateeyo

Isagoo canaan lagu gudbiyo gaaran filanaaya

Giblo iyo sacabo lulan hadii loogu gogol xaadho

Kalidii in uu guurti yahay maalintaa gunudye

Gabaygii Gudgude ee Abwaan Maxamad Ibraahin Warsame Hadraawi 1990

Waa hubaal in ay Bulshadu abuurto Kalidii Taliyaha,waana mid waayo Aragnimadeeda leedahay Bulshada S/land oo hore ugu soo dhacay, waxayna Taariikhdu ka marag kacaysaa in Inqilaabkii Milatariga ee uu hogaaminayay Kalidii Taliyihii Maxamad Siyaad Barre ee 1969 Dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray ku qabsaday inqilaabka Milatari ay Bulshada Soomaaliyeed Tuulo kasta ka soo Amaaneen oo Amaan la buux dhaafiyay,waxaase iswaydiin mudan,Maxaa ka dhashay Masuul Qalad iyo Saxba lagu Taageero ? Maxaa ka dhashay Amaantii Shacabka Soomaaliyeed ku qaabileen  Siyaad Barre ? Muxuu isku arkay markii Amaan la  buux dhaafiyay Kalidii Taliyihii Maxamad Siyaad Barre ? Muxuu kula kacay Hal-doorkii Bulshada Soomaaliyeed ee Amaanta buux dhaafiyay ? hadiise aan Su”aalahaa isdul-taago waxay Taariikhdu ka marag kacaysaa in uu Bulshada Soomaaliyeed kula kacay in uu ula soo badheedho in uu baabiiyo Shareecada Diintooda islaamka,iyadoo Ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ka Amar qaadanayay kula kaceen Dill,Xadhig, Cabudhin, Kufsi, iyo wax kasta oo guud ahaanba Bani-Aadamka dhib ku ah .

IMG_25DFF9-B73542-4A6EE9-667EDF-52E94A-B90F07

Waagii baryaaba waayo lehe,waxaase Bulshada S/land yaab yaabkii ku noqotay Diidmadii Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi diiday Baaqii Culimada S/land u soo jeediyeen in Maalinta Jimcaha oo ah maalin Cibaado oo Shaqooyinka Dawlada iyo Meheradaha Ganacsigu loo xidho Cibaadada darteed, in Muj Muuse Biixi uu Ololaha Doorashada Madaxwaynaha u joojin waayo Cibaadada Alle darted,waxaase iswaydiin mudan mar hadii Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi uu diiday in uu Aqbalo Baaqii Culimada S/land u soo jeediyeen in Maalinta Jimcaha u joojiyo Cibaadada Alle darteed Ololaha Doorashada Madaxwaynaha maxaa hor yaala Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye.

Iyadoo Diidmada Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi,ay Indheer garadka Arimaha Siyaasada ka faaloodaa ay hoosta ka xariiqeen in ay tahay Calaamado hordhac ah oo muujinaya Siyaasada Hogaamineed ee uu dalka S/land ku xukumi doono hadii la doorto waana mid u baahan in si gaara looga fiirsado .

Mar kale hadii Bulshada S/land gaar ahaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ay Ajiibaan Baaqii Culimada S/land ee ahaa in Maalinta Bari oo Jimce ah Cibaadada Alle darteed Ololaha Doorashada Madaxwaynaha loo joojiyo,waxay noqon doontaa mid Dawo u noqota Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi oo ku soo rida Dariiqii Wanaagsanaa ee uu jeexay Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe .

Sidoo kale hadii Bulshada S/land gaar ahaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ay Ajiibaan Baaqii Culimada S/land ee ahaa in Maalinta Bari oo Jimce ah Cibaadada Alle darteed Ololaha Doorashada Madaxwaynaha ay u joojiyaan,waxay noqon doontaa Taalaabo muujinaysaa in ay Bulshada  S/land u bislaatay in ay toosiyaan Hogaankooda Jacayl kasta oo ay u qabaan, oo Qalad iyo Saxba aanay ku taageerayn .

Ugu dambayn waxaa la filayaa in Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye in ay Aqbali doonaan Baaqii Culimada S/land Maalinta Bari oo Jimce ahna Cibaadada Alle darteed Ololaha Doorashada Madaxwaynaha qofna u soo bixi doonin,isla-markaana Garoono Cidlo ah ka qudbadayn doonaan Madaxda Xisbiga Kulmiye ee ku guul daraystay in ay Jidka Kalidii Taliyaha ka ilaaliyaan Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye .

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS