Maxkamadda Ugu Saraysa Ciraaq Oo Laashay Aftidii Kurdiyiinta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Ugu Saraysa Ciraaq Oo Laashay Aftidii Kurdiyiinta
November 21, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Maxkamadda ugu saraysay dalka Ciraaq ayaa laashay aftidii laga qaaday dadka Kurdiyiinta ee ay ugu codeeyeen in kaga go’aan daka Ciraaq.

 

_98839246_barzani

Xukunkan ayaa yimid 2 bilood ka dib markii aftida la qaaday, islamarkaasna dadka u codeeyeen 92% in gobolka Kurdiga uu go’o.

Dowladda Ciraaq ayaa markii dambe la wareegtay deegaano lagu muransanyahay oo uu ka mid yahay gobolka Kirkuk.

Madaxa dowladda gobolka Kurdistan Nechirvan Barzani ayaa xukunka maxkamadda ku tilmaamay mid hal dhinac ah, balse waxa uu sheegay in uusan ka hor iman doonin.

Ra’isulwasaaraha Ciraaq Xaydar Al Cabaadi ayaa soo dhaweeyay xukunka maxkamadda.

Dowladda Ciraaq ayaa waxa ay sidoo kale sheegtay in ay diyaar u tahay in ay la wareegto marinada kaliya ee Kurdistan ay la wadaagto Suuriya iyo Turkiga.

Aftida shaqayn weyday ayaa waxa ay horseeday in hoggaamiyihii Kurdiga Mascuud Barzani uu is casilo.

 

COMMENTS
LINKS