Maxkamada Ugu Saraysa Dalka Kenya Oo Ansixisay Guushii Uhuuru Kenyatta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamada Ugu Saraysa Dalka Kenya Oo Ansixisay Guushii Uhuuru Kenyatta
November 20, 2017 - Written by Reporter:

Nairobi,(W,N)-Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa tuurtay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta bishii la soo dhaafay.

_97632112_kenyacourt_getty
Lixda garsoore ee dhageysanayay dacwaddan ayaa isku raacay laalida guusha Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay.
Guddoomiyaha garsoorayaasha David Maraaga ayaa sheegay in garsoorayaasha ay 21 cisho gudahood ku bixin doonaan faahfaahin ku aadan sababta ay u ansixiyeen guusha Kenyatta.
Go’aankan ayaa waxa uu waddada u xaadhayaa in Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo wiiga soo socdo.
Maxkamadda oo la taagay sanaddii 2010 ayaa taariikh sameysay bishii September markii ay waxba kama jiraan ka soo qaaday gushii Kenyatta ee doorashada Augest. Waxayna amartay in doorasho hor leh lagu qabto lixdan maalmood gudahood.
Booliska iyo taageerayaasha Odinga ayaa isku dhacay Jimcihii
Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay qaadacaan doorashadaasi kuceliska ahayd isagoo sheegay in guddiga doorashada uu diiday inuu sameeyo isbadel hubin lahaa in doorashadu ay u dhacdo si xaq iyo xor ah.
Sabtidii afar qof ayaa lagu dilay magaalada Nairobi. Dadka deegaanka ayaa sheegay in koox ku hubeysan qoryo iyo baangado ay weerareen xaafado kala duwan, ayna ku dileen dad, hantina dheceen.
Booliska ayaa sheegay in ay baadhayaan dhacdada iyo waxa sababay. Maydadka ayaa lagu tuuray meelo qashin qub ah.

COMMENTS
LINKS