Maxkamada Sare & Natiijada Doorashada Oo laba Wado mid ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamada Sare & Natiijada Doorashada Oo laba Wado mid ah.
November 22, 2017 - Written by Editor:

Garyaqaan Cabdale Dahir Adan Ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Email:- cabdale1987@gmail.com Tell:- 036-4240180 22/11/2017

Sida uu dhigaayo Xeer Lr.20/2001, Qodobkiisa 66aad, Faqradiisa 3aad, kaas oo u dhigan sidan:-  3. Maxakamadda Sare markay hesho qoraaladda raad-raaca ee xafiiska dhexe ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isla markaana hubiso xisaab ahaan iyo sharci ahaan doorashada waxay ansixinaysaa natiijada doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Hadaba waa tan Natiijadii shalay Komishanka doorashooyinka Qaranku ka soo saaray doorashadii qabsoontay 13 bishan oo ahayd sidan:-

Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dhacday  13- 11 – 2017 (1)

Tirada warqada  qaadatay:- 873,331

Tirada kaadhka codaynta qadatay:- 704,089

Tirada codaysay:-  556,617

Tirada codadka gubtay:- 1475 ( 1.85 % )

Tirada codadka ansaxay:-  555,142  ( 98.15 % )

Xisbiga                                    TIRADA CODADKA                                     CELCELISKA % 1. UCID                                         23,141 COD                                                      4.17 % 2. KULMIYE                                 305,909 COD                                                    55.19 % 3.  WADANI                                 226,092 COD                                                    40.73%

Fiiro Gaara:- marka aad u gayso codadka gubtay oo ah 1,475 cod, oo ah boqolkiiba 1.85% , tirada codadka ansaxay oo ah 555,142 cod, oo ah boqolkiiba 98.15%, waxa kuu soo baxaysa tirade codaysay oo ah 556,617 cod, oo boqolkiiba boqol kuu soo baxaysaa 100%, waana sida Komishanku ku soo saaray natiijada doorashada.

Habada marka aad isku gayso tirada boqolayda ee xisbiyadu heleen 4.17% + 55.19% + 40.73% , waxa kuu soo baxaaya 100.9 % , taas oo ay ahayd in ay kuu soo baxdo 100 %.

Inaga oo Qod 66, Faq 3aad, ka duulayna, kaas oo qasab kaga dhigaaya Maxkamada sare in ay hubiso xisaab ahaan natiijada Komishanka doorashooyinka qaranku soo saaray, taas oo ah mid xisaab ahaan qaldan, soo maaha in ay in Maxkamada sare qaado labadan wado mid uun:- 1- In ay Komishanka ku raacdo tiradaas xisaabtaas qaldan. 2- In ay saxdo xisaabtaas qaldan .

Taas oo ka dhigaysa laba daran mid dooro, kana dhigaysa doorashadii dhacday 13 bishan mid, lagu shubatay, mar hadii ay xisaab ahaan isku fadhiisan wayday natiijadii, waxana tusaale u soo qaadanay labadii doorasho madaxwayne ee Somaliland ka dhacay, waana kuwo xisaab ahaan sax ah, waana kuwan. Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dhacday 14 – 4 – 2003 (2)

Xisbiga                                    TIRADA CODADKA                                 CELCELISKA % 1. KULMIYE                               205,515  COD                                             42.07 % 2. UDUB                                    205,595  COD                                              42.08 % 3. UCID                                      77,433   COD                                                15.85 %

Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dhacday 26 – 6 – 2010 (3)

Xisbiga                                     TIRADA CODADKA                                      CELCELISKA % 4. KULMIYE                                      266,906  COD                                                 49.59% 5. UDUB                                           178,881 COD                                                  33.23% 6. UCID                                             92,459 COD                                                    17.18 %

Waxa aan idinku dhaafayaa waydiintan oo ah, Maxkamada sare hadii ay qaladkaas ka saarayso, wadadee iyo qaabkee ayay u maraysaa, ileen waxa laga saarayo ee qaladka keenay waa 0.9% kaas, mise waxay taageeri qaladkaas xisaabeed ee komishanka, mise waxa ay qaadi wadado 3aad oo ah in ay gabi ahaan ba meesha ka saarto natiijada doorashada mar hadii ay xisaab ahaan qalad tahay, taas oo isla markaana aan ku xidhnayn ogolaanshaha, diidmada ama dacwad furashada xisbiyada laga guulaystay, ee ah mid ku xidhan tirade xisaabeed ee komishanku soo saaray . Tix-raax.

(1) Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo shaacinaaya natiijada doorashadii dhacday 13-11-2017, kaas oo kaga dhawaaqay xaflad loogu qabtay xarunta komishanka 2111-2017. (2) (3) African Elections Database / Elections in Somaliland http://africanelections.tripod.com/somaliland.html  DHAMAAD.

COMMENTS
LINKS