|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxay Guusha Muuse Biixi Uga Dhigantahay Wadahadalada Somaliland Iyo Soomaaliya
November 23, 2017 - Written by Reporter:Hargaysa(W,N)-Doorashadii ka dhacday Somaliland 13kii bishan Novembar, ayaa kusoo dhammaatay si nabad gelyo ah, waxaana madaxweyne loo doortay Muuse Biixi oo ahaa musharraxa Xisbiga Kulmiye ee hadda talada haya.
Mid ka mid ah waxyaabihii uu ololaha doorashada ku galay ayaa ah in wadahallada Somaliland iyo Soomaaliya dib loo bilaabo, si cusubna loo wajoho. Balse maadaama hadda la doortay hoggaan cusub oo labada dhinac ah oo haysta sharciyad buuxda sanooyinka soo socda, waxaa rajo weyn laga qabaa in ay dib u biloowdaan wadahadallada sida uu qabo Guuleed Axmed Jaamac oo ah cilmi baadhe ka tirsan xarunta daraasaadka siyaasadda ee CPA ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa. “Murashaxan wuxuu ahaa qofka ugu adadag xaga wadahadallada, wuxuu muujiyay dhaliilo badan, Muuse waxaa lagu yaqaanaa in uu aad ugu ad adagyahay dhinaca gooni isu taagga, waxaa koobaad ee uu diidanaa waxa ay ahaayeen in Turkiga uu wadahadallada marti galiyo, iyo in la helo cid dhexdhexaadin rasmi ah samaysa” ayuu Guuleed ku daray. Muuse Biixi oo Xisbigiisa Kulmiye uu wadahalada bilaabay ayaa hadal uu ka jeediyay dooddii BBC-da u qabatay musharixiinta ayuu ku yidhi “Sidii Turkiga ka dhacday ee nalagu yidhi adinku iska sheekeysta anagu diyaar u manihin. Waxaan rabnaa inay jirto cid dhexdexaad ah oo inoo kala gar naqda” Saansaantii ugu horeysay ee muujinaysa wax rajo ah ayaa ah hadalkii uu dhawaan soo saaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo uu ugu hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Somaliland. Balse sidaas uma sahlana hawsha, waxaana jira caqabado ku gudban wadahadallada sida uu qabo Guuleed Axmed Jaamac “Si cilmiyeysan oo niyad sami ah laguma billaabin wadahadalada, waxay ahaayeen kuwa loo galay in wadahadal la galo uun, labada dhinac waa in ay wax ka badalaan ergooyinka ay dirsanayaan, qorshayaasha ay la tagayaan, waa in dad joogto ah loo xilsaaro oo maalin kasta wajiyo cusub oon wixii hore aan ka warqabin aanan loo dirin, ka dibna meel eber ah aan wax laga soo bilaabin” ayuu yidhi. Daraasaddii ay xarunta hore u samaysay ayay sidoo kale ku sheegtay in qodobbada lagu heshiiyo wadahalada oo aanan la fulinin ay horseedi karto in wadahadalada ay guuleysan waayaan, tusaale ahaan in wadahadalladii lasoo afjaray 9kii Luulyo 2013kii lagu heshiiyay in maamulka hawada Soomaaliya si wadajir ah loo maamulo, Hargeysana xarun looga dhigo. Balse Somaliland ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay jabisay qodobkaasi. Dalabka ugu weyn ee ay Somaliland ka doonayso wadahalada ayaa ah in ay aqoonsi hesho, balse dhanka Soomaaliya dalabkaasi ma aha mid sahlan aqbalistiisa. Doorashada sida wanaagsan ku soo dhamaatay ee Somaliland ayaa waxay dad badan filayaan in ay usoo jiidi doonto in caalamka uu usoo jeedsado arrimaha aqoonsiga, balse sida uu qabo Guuleed doorasho hannaan dimoqraadiyadeed ku dhacday ma aha mid soo dadajinaysa aqoonsiga ” doorashada dhicitaankeeda waxaan rajaynayaa in ay soo jiidato beesha caalamka oo taageero iyo caawimaad siiso Somaliland, balse anigu ma qabo in ay aqoonsi keeni karto” ayuu yidhi Guuleed. Dadka reer Somaliland waa ay la qabsadeen xaqiiqada ah in aysan sahlanayn in aqoonsi la helo maadaamaa hadda 26 sano laga joogo markii gooni isu taagga lagu dhawaaqay, walina aanan la helin hal dal oo aqoonsada, waxaa kale oo la’isku raacsanyahay in sida uu noqonayo mustaqbalka Somaliland ay ku xidhanyihiin waxa kasoo baxa wadahallada labada dhinac. Mid ka mid ah talooyinka wax ku oolka ah ee ay daraasadda ku sheegtay xarunta CPA waxaa ka mid ah in bulshada qeybaheeda kala duwan laga qeybgaliyo wadahalada, kadibna heshiisyada la gaadho laga ansixiyo baarlamaannada Somaliland iyo Federaalka.
XIGASHO, BBC SOMALI Related posts:Golaha Guurtida Oo Saska Qaaday Ergada Dhex Dhexaadinta Ee Kulan La Qaatay Waftigii Beesha Caalamka ... DAAWO;-Wasiir Siciid Sulub Oo Hargaysa Lagu Soo Dhaweeyay Muxuuse Ku Sifeeyay Magacaabistiisa? DAAWO;-Gudida Qaban Qaabada Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye Oo Jawaab Ka Bixiyay Eedo Uu Ujeediyay Siyaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|