Maxaad Kala Socotaa Qisadii Jacayl Ee Ku Dhacday Fannaanadda Caanka Ah Ee Binti Cumar Gacal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaad Kala Socotaa Qisadii Jacayl Ee Ku Dhacday Fannaanadda Caanka Ah Ee Binti Cumar Gacal
November 24, 2017 - Written by Reporter:

Fanaanadda Caanka ah ee Binti Cumar Gacal waxa ay ka mid tahay fannaaniinta codkooda iyo heesahooda aad loo jeclaa soona baxday sannadihii siddeetamaadkii qarnigii la soo dhaafay, inkasta oo fankeedu ka hana qaaday oo u badnaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya haddana Soomaalida oo dhan ayuu magaceedu ku fiday aadna heesaha ay qaaddo dad badani u jeclaayeen. Dad badani Binti Cumar Gacal waxa ay ku xasuustaan heeso ay ku soo caan baxday oo ka mid ahaayeen: “Haddaan Bogsadoon Ka Raysto, Sidaan uga booday caashaq, jacaylba haddaan u booyo haddaan nin dambe u baroorto haddaan baxsanow idhaahdo balaayoba ha iga raaco”, sidoo kale Heesii caanka noqotay ee ay midhaheeda ka mid ahaayeen “Haddaad moodday aakhiro in ay ehelo leedahay la iskuma aqoonsado aabo iyo adeerkaa..”.
Iyada oo Fannaanadda Binti Cumar Gacal lagu yaqaano heesaha ay qaaddo kuwo jacayl ah oo aad dadku u xiiseeyo sida ay iyaduba sheegtayna heesaheedu u badan yihiin calaacal iyo jacayl xad dhaaf ah ayaa waxa aan qormadan kooban ku eegi doonaa qiso jacayl oo dhab ah oo fannaanadda lafteeda taabatay taasi oo keentay in heeso dhawr ah qisadaasi laga sameeyo oo ay iyada lafteedu qaaddo dadkuna aad u jecel yihiin illaa maanta. Qormadan waxa aan si gaar ah isugu dul taagi doonaa qisada jacayl ee Fannaanad Binti Cumar Gacal soo martay iyo saamaynta ay ku yeelatay nolosheeda iyo heesaha laga sameeyey qisadaasi.

 

Capture
Ugu horrayn waxa aan qormadan ku bilaabi doonaa Fannaanadda oo ka sheekaysay qisadan jacayl ee nolosheeda soo martay waxaanay tidhi: “Heesta Axdi oo dad badanina u yaqaanaan Lugooyo waxa ay ku beegmayd wakhtigii ay soo baxday sannadkii 1982-kii illaa 1983-kii mid bay ahayd labadaasi sano, waliba waxaan u malaynayaa in ay ahayd wakhtigii ay soo baxday dhammaadkii sannadkii 82-kii. Waxaad ogtahay in hees walba kolay abwaanka curiyey uu wax uga jeedo oo ay usoo baxdo mana jirto hees bilaa ujeeddo lagu soo saaraa. Gaar ahaan waliba si gaar ah haddii aan ugu sii gundo dego heeskani aniga ayuu i khuseeyaa oo qiso aniga Binti ahaan igu dhacday ayay ku soo baxday waana hees qisadeedu aniga I khusayso oo gaar ii khusayso. Heeska magaceeda waxa rasmi ahaan loo yidhaahdaa LUGOOYO balse markii dambe dadku waxa ay ula baxeen AXDIGEENU LABO SANO oo dadbaa u yaqaana. Qisada heestan waxa laga sameeyey Aniga oo maalin maalmaha ka mid ah shaqo yeeshay ayaa waxa dhacday oo markaa ninkii aannu isku wanaagsanayn oo xidhiidh jacayl naga dhaxeeyey ayaan u imid annaga oo habeenkaasi ballan lahayn. Waxa aan ka codsaday in uu ballanta nooga dhigo Siddeeda habeenimo maadaama anna aan hawl yar qabsanayay oo igu soo baxday. Waxaan ku idhi shaqo ayaan leeyahay ee I fasax isna waa ogolaaday oo waxaanu ku ballanay siddeeda habeenimo in aan isku nimaad oo aan anna hawshayda soo qabsado”.
Fannaanad Binti Cumar Gacal oo hadalkeeda sii wadataa waxa ay tidhi: “Hawshu waxa ay ahayd wakhtigaasi anuu waxaan ahaa fannaanad yar oo ku cusub fanka kadib waxa habeenkaasi aan ka mid ahaa dad loo soo xulay in ay ka heesaan aroos ka dhacayay madaxtooyada Soomaaliya. Qorshahaygu waxa uu ahaa in aan inta siddeeda ka horraysa hawshayda qabsado kadibna aan u tago ninkii aannu xidhiidhka lahayn ee ballantu naga dhaxaysay. Arooska dadka kale ee lagu soo qoray in ay ka heesaan ee aannu isku kooxda noqonaynay waxa ay ahaayeen oo kale fannaaniin iga waaweyn aniga markaasi oo caan ahaa. Markaa waxa dhibaato iga qabsatay sidii aan anuu ku hor mari lahaa arooska madadaalintiisa ee aan heesaha hore u qaadi lahaa. Fannaaniin caan ah oo iga waawayn in aan masraxa arooska uga horeeyaa aadbay u adag tahay anna haddii aan habsaamo oo aan xagga dambe maro waxaan ka cabsi qabaa in aan ka baaqdo ballantii aan ninka la lahaa oo aad iigu qaali ahayd. Kadib aniga oo aad u fekeraya ayaa waxa isa soo kay ag taagay abwaan Soomaaliyeed oo caan ah oo aan odhan karayo aabahay oo kale ayuu iiga dhigan yahay. Waxa uu igu yidhi maxaa Bintiyeey kugu dhacay?, waxa aan u sheegay in aan Jacaylkaygii Siddeeda habeenimo la ballansanahay, arooska madaxtooyaduna I sugayo oo aanan xagga hore heeso ka qaadi Karin maadaama ay joogaan fannaaniin iga waaweyn oo iga caansani si aan sameeyana aan garan la’ ahay.Fannaaniintii joogay habeenkaasi waxa ka mid ahaa Ilaahay ha u naxariistee Fanaanaddii caanka ahayd ee Xaliimo Khaliif Cumar Magool, Khadiija Cabdilaahi Dalays, Saynab Xaaji Cali Baxsan, Faadumo Cabdilaahi Kaahin Maandeeq, waxaa joogtay oo kale Faadumo Cali Jaamac Nakruuma, aduu fannaaniin iga waaweyn oo qaddarin innagu leh oo caan ah ayaa joogtay oo arooska lagu soo casuumay. Waxa aan kale oo aan xasuustay Xareedo Ismaaciil Duniya, wiilasha waxaan ka xasuustaa Xasan Aadan Samatar. Ilaahay ha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc, Maxamed Yuusuf Cabdi, markaa aniguna fanka ayaan soo galay oo way adag tahay in aan fannaaniintaasi masraxa uga horreeyo. Ninka ii yimid ee aan idin lahaa waxa uu iiga dhigan yahay waa sida aabahay oo kale waxa uu ahaa Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise Singub. Waxa uu iiga dhigan yahay aabbahay oo kale. Fanka aadbuu iigu soo dhaweeyey oo ii soo gacan qabtay aniga. Markii uu ii yimid aniga oo gacanta iyo madaxa isa saaray oo werwersan ee aan anna u sheegay waxa aan ka walaacsanahay ayuu igu yidhi Bintiyeey taasi dhib ma laha aniga ayaa xallinaya. Waxa uu igu yidhi iyaga oo intaasiba jooga oo fannaaniin kaa waaweyn ahi ayaad adigu ku horraynaysaa masraxa arooska ee ha werwerin. Waxa uu degdeg iigu sameeyey midho hees arooska ku saabsan oo lagu qaadayay ama la saaray laxankii Laylaay Laylaay, Laymuuneey Caawaa Laygu dheer yahay. Waan yaabay sidee ayay ku dhacaysaa baan idhi. Anigu aadbaan u yaabay. Waxa uu dhammaan fannaaniintii iyo hawl-wadeenadii arooska ku wargeliyey oo uu yidhi Binti waxa ay arooska ku furaysaa oo ay ka qaadaysaa laba heesood oo arooska ku saabsan. Markaa sidaa daraadeed iyada oo Binti ah ayaa furaysa xafladda arooska. Aadbaan u farxay oo cajiib ayay ila noqotay. Masraxii Arooska ayaan galay habeenimadii. Waxa markaasi cusbaa oo la igu bartay heeskii Midhihiisa ay ka mid ahaayeen ‘Haddaan Bogsadoon Ka Raysto, Sidaan Uga Booday Caashaq’”.
Fannaanad Binti Cumar Gacal oo ka sii waramaysa qisadaasi waxa ay tidhi: “Waxa aan qaaday heeskii arooska ku saabsanaa ee degdegga uu Singub iigu sameeyey iyo heeskii aan ku caan baxay ee wakhtigaasi aadka loo jeclaa ee haddaan bogsadoon ka raysto. Si degdeg ah ayaan labadaasi heesood u qaaday oo aan arooska ku furay kadibna si degdeg ah ayaan uga soo baxay arooskii illayn waxa aad og tahay in aan meel ku ordayo oo aan ballan lahaaye. Waxa aan markiiba soo baxay Siddeedii oo Labaatn Daqiiqo dhiman ayaan markiiba soo baxay. Ballantayda aan la lahaa ninkii aan jeclaa waxa ay ahayd 8-da oo buuro ah. Markaa waxa aad garanaysaa sida aan wakhti wanaagsan u haysto oo aan ugu tagi karo iyada oo ay wakhtigii taagan tahay. Sidii ayaan ku ambabaxay aniga oo aad u xiisaynaya la kulankaygii ninkii aan is jeclayn ee aan la ballansanaa. Gaadhibaa arooska la iga sii siiyay oo aan ku tagay. Nasiib darro waa ta dambaysee!!, markii aan tagay gurigii aan kula ballansanaa ninkii waxa aan u tagay isaga oo naag kale la jooga. Aaaah!!, waa ninkii aan caawoo dhan u soo ordayay ee aad ogayd sida aan xataa arooska ilaahay iigu soo dhib yareeyey ee aan dartii waxasoo hawl ah u soo galay ayaan aayar u soo galay isaga oo naag kale isla jooga. Albaabkii ayaan garaacay waa la iga furay. Waa gurigooda ayaan kula ballansanaa. Mise waxaan dareemay in ay wax jiraan. Dadkii daaradda fadhiyey ee buuxay ayaan hore u soo dhaafay mise waa la is wada eeg eegay. Mar kali ah ayuunbay dadkii daaradda guriga fadhiyey wada kaceen oo faaruqiyeen daaraddii markii ay ka war heleen in aan aniga ahay qofkan guriga soo galay. Shaki baa I galay!. Waxaan gartay in wax jiraan oo ay wax qaldan yihiin. dadkii markii aan soo galayay albaabka wada joogay daaradda ayaan eegay mise qofka imika ma joogo qolalkaa la kala galay qaarna dibadda ayay isaga baxeen. Kadib waxaan damcay in aan usii gudbo qolka uu ku jiray ninkii aan la ballansanaa. Waxa markaasi albaabka ku gargaraacaysa gabadh yar oo eeddadii dhashay. Isaga oo qaylinaya ayuu soo booday naa maad naga daysid ayuu intaasi leeyahay oo waxa uu dhibsanayaa gabadha yar ee albaabka ku soo garaacaysa. Mise albaabkii buu fakh ka soo siiyey oo furay. Mise insha ayuu igu dhuftay. Mar alla markii uu wajigayga arkay ayuu farta isaga oo qaniinaya hoos u foorarsaday oo yidhi: “Ma Adigiibaa?”..

 

COMMENTS
LINKS