Mareykanka oo hanjabad u diray Kuuriyada Waqooyi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mareykanka oo hanjabad u diray Kuuriyada Waqooyi
November 30, 2017 - Written by Wariye:

_98995090_84c24953-93d0-4a11-b9cb-3764699bed30Hargeisa(wjn):-Safiiradda Mareykanka u fadhida golaha ammaanka ee Qaramada midoobay, Nikki Haley ayaa hoggaanka Kuuriyada Waqooyi uga digtay in gebi ahaan ba la burburinayo haddii uu dagaal qarxo.

Nikki Haley oo ka hadashay shir deg deg oo golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ku yeesheen magaalada New York ayaa ugu baaqday dhamaan dalalka caalamka inay jaraan xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee kala dhaxeeya xukuumadda Pyongyang.

wjn-xayaysiis

Ms Haley ayaa intaa ku dartay in madaxweyne Trump uu horay ugu booriyay dhigiisa dalka Shiinaha inuu joojiyo saliidda ceyriinka ee uu Shiinaha u dhoofiyo dalkaasi, kadib markii labada madaxweyne ay ka wada hadleyn tijaabadii gantaal ee ay sameesay Kuuriyada Waqooyi. Trump ayaa horay u sheegay in cunaqabateyn dheeraad ah lagu soo rogi doono Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Waqooyi ayaa shalay sheegtay in ay ku guulaysatay tijaabinta nooc cusub oo ah gantaallada ballistic loo yaqaanno ee qaaradaha isaga kala goosha, kaas oo gaari kara dhammaan qaaradda uu Maraykanku ku yaaallo.

War laga sii daayay telefishinka qaranka ayay ku sheegtay in Pyongyang ay hadda xaqiijisay hadafkeedii ahaa in ay noqoto dal quwad Nukliyeer ah leh.

Waa markii koobaad ee ay gantaal ballistic ah tijaabiyaan muddo labo billood ka badan. Saraakiisha milateriga ee Kuuriyada koonfured waxaa ay shegeen in gantaalkani uu dul maray bariga dalkaasi, kadib markii laga soo ganay meel u dhaw magaalada Pyongyang.

Khubaro ka faalooda arrimaha dalkaasi ayaa sheegay in xukuumadda Pyongyang ay horumarineyso gantaaladeeda, iyadoo uga gol leh inay ku bartilmaameedsato goobaha fog fog sida dalka Mareykanka.

Xarunta wasaarada difaaca ee Pentagon-ka Mareykanka oo ka hadlay tallaabadan ay qaaday Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in tani ay u muuqato inay tahay gantaallada isaga kala goosha qaaradaha, waxaana la sheegay in gantaalkan ay riday Pyongyang uu socday masaafo dhan Kun kilomitir, kahor inta aanu kusoo dhicin badda Japan.

 

 

Hargeisa office

Wajaalenews.net

Wariye:Abdulkadir Habane

COMMENTS
LINKS