Madaxweynihii Zimbabwe Robert Mugabe Oo iscasilay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynihii Zimbabwe Robert Mugabe Oo iscasilay
November 21, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa xilkii iska casilay, sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka Jacob Mudenda.

 

_98849240_cf773aea-d5de-4447-89f3-a19a494f0c1e

Waraaq uu soo qoray Mugabe ayuu ku sheegay in uu iskii u gaadhay go’aankas, si uu u fududeeyo awood wareejinta.

Kudhawaaqidan layaabka leh ayaa markii lagu dhawaaqay dabaaldeg ayaa ka billawday baarlamaanka, shacabkuna waxay billaabeen in ay waddooyinka ku damaashaadaan.

Mugabe ayaa hore u diiday in uu xilka iska casilo, inkastoo ay awooddii la wareegeen ciidammadu toddobaadkii hore, mudahaaradyo baddan oo arrintaas lagu dalbanayana ay dhaceen.Waraaqdu ma aysan sheegin cidda Mugabe xilka kala wareegi doonta.

Dastuurka dalkaasina wuxuu qabaa in uu xilka la wareego madaxweyne ku xigeenka talada haya Phelekezela Mphoko, kaas oo aad u taageersan xaaska madaxweynaha Grace Mugabe.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in uu socdo qorshihii hogaamiye cusub lagu dooran lahaa Arbacada.

Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in iscasilaadda Mugabe ay dalka Zimbabwe u horseedayso fursad iyo jid cusub oo xor ka ah cabudhintii maamulkiisa wehelisay.

Waxay sheegtay in Britain oo ah “saaxiibka ugu wakhtiga dheer ee Zimbabwe” in uu gacan ka gaysan doono taageeridda doorasho xor iyo xalaal ah iyo dib u dhiska dhaqaalaha Zimbabwe.

Robert Mugabe ayaa xilka hayay tan iyo markii uu dalkaasi xornimada qaatay 1980kii.

Intii wakhtigaas ka dambaysayna Mugabe ayaa doorashooyinka ku guulaysan jiray, balse 15kii sano ee u dambeeyay waxaa hareeyay rabshado ka dhan ahaa dadka ka soo horjeeda.

Dhaqaalaha dalkaas oo dhulka ku sii hoobanaya ayuu dalka soo maamulayay, dadka Zimbabwena 15% ayay hadda ka fiqiirsan yihiin sidii ay ahaayeen 1980kii.

COMMENTS
LINKS