Madaxwaynaha Cuba Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda K/Waqooyi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Cuba Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda K/Waqooyi
November 25, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Madaxwaynaha dalka Cuba, Raul Castro ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kuuriyada Waqooyi, Ri Yong Ho.

 

_98903177_0b7ea968-deb6-4dd2-813b-fd448c09e0b5

 

Telefishinka dalka Cuba ayaa baahiyay in labada masuul ay ka wadahadleen mowduucyo la xidhiidha danaha labada dal.

Kulankooda ayaa ku soo beegmaya xilli ay beesha caalamka raadinayso qaab lagu dajin karo xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ee ku aadan hubka Niyukleerka.

Horraanti toddobaadkan Havana iyo Pyongyang ayaa waxa ay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay ku canbaareynayaan Mareykanka.

Balse madaxda Cuba iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa ku baaqay in muranka Washinton iyo Pyongyang lagu xaliyo si nabad ah.

Dalka Cuba ayaa xidhiidh dhaw oo dhanka dublamaasiyada ah la lahaa Kuuriyadda waqooyi tan iyo sanadii 1960,balse Cuba waxa ay ka soo horjeed hubka Niyukleerka.

Xidhiidhka u dhaxeeya dalalkan iyo Mareykanka ayaa ah xilligan mid aan wanaagsanayn.

 

COMMENTS
LINKS