Ma Qarankaynu U Hiilina Mise Waynu Ka Hiilinaa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Qarankaynu U Hiilina Mise Waynu Ka Hiilinaa?
November 3, 2017 - Written by Reporter:

Maanta rajada iyo himiladii luntay ee aynu u huraadanahay waxa soo noolayn kara Xusbiga Rajada ee Wadani oo ah Xusbi qaran oo aan dadka

az(1)

 

Illahay waxa ka baryaynaa inuu Dorashadaa si nabadgalyo ah inoogu dhameeyo, Insha Allah 13 November waa maalinta ay shacbi weynaha reer Somaliland furfuri doonaan hadh-xilaalaha maanta horyaala ee ah inay Qaran qurux badan oo lawada leeyahay gacantooda ku badbaadiyaan ama ay Qaranka ka hiiliyaan oo gacantooda ku burburiyaan. Somalidu waxay tidhaa, ” Nin ku dilay hadh kuuma jiido” Xusbiga todabada sanadood Dalka xukumaayay ee ku fashilmay in uu wax ka qabto caqabadaha is biirsaday ee Shacbi weynahaa danyarta u badan halakeeyay ee maantana leh xumaantii iyo tamardaradii dib iigu doorta aan idiin sii kordhiyee, waa mid aan suurto gal ahayn ama maskaxda caafimaadka qabta ceeb ku ah in qabyaalad iyo caadifad mustaqbalkeena mugdi lagu galiyo, ” Hadaan midhaha daraygaa duuduub u liqi jiray doorkan waxa hubsanayaa dirxi inuu ku hoos jiro”.

Maanta reer Somaliland waxay kala dooranayaan ma Qaran baynu noqonaa oo sida shucuubta xorta ah ee caalamka ayaa u xisaabtana mise Qabiil baynu dooranaaa oo ragii dakanooyinka hore ummada uga soo galay ayeeynu mustaqbalka caruurteena iyo qarankeenaba ku aaminaa,?. Waxaan filayaa in shacbiga reer Somaliland aan la khaldayn oo ay kala garanayaa dhalanteedka iyo runta, mugdiga iyo cadceeda, horusocodka iyo dib u socodnimada, qaranka iyo qabiilkana ay u kala suntan yahiin oo ayna maanta taagnayn halkii 1994 ay joogeen.

Maanta rajada iyo himiladii luntay ee aynu u huraadanahay waxa soo noolayn kara Xusbiga Rajada ee Wadani oo ah Xusbi qaran oo aan dadka walaalaha ah u kala abtirayn, kala qaybinayn, lakala faqayn, ahna xusbi himilo fog oo Siyaaasadeed leh, uuna Musharax ka yahay shakhsi aan ceeb ku dhex lahayn Bulshada reer Somaloland, Dadkana isku wadi kara, Ummadana dhex u noqon kara, dhibka aynu maanta ku jirnana inaga saari kara, Muwaadin maanta fartaada Dalka ku gunnee oo Muse Biixi Dooro ama fartaad dalka ku gobbee oo Cabdiraxman Ciro dooro.

By Abdi Ismail Abib (Ayanle)
Antwerpen, Kingdom of Belgium

Luqman_ayanle03@hotmail.com

 

 

COMMENTS
LINKS