Ma Mudan Yahay In Ay Bulshada G/Gabiley Soo Dhawayso Wasiirkii Hore Ee Wasaaradaha Arimaha Dibada Iyo Ganacsiga? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Mudan Yahay In Ay Bulshada G/Gabiley Soo Dhawayso Wasiirkii Hore Ee Wasaaradaha Arimaha Dibada Iyo Ganacsiga?
November 3, 2017 - Written by Editor:

Ma Jiraan Horumar Iyo Waxqabad Uu Ka Qabtay Deegaanada G/Gabiley  Oo Bulshadu Ku Xasuusato Kuna Soo Dhawayso?

HARGAYSA(W,N) Qaybaha kala duwan Ee Bulshada S/land Bari iyo Galbeed waxay wali doon-doon ugu jiraan Aqoontii,Ilbaxnimadii,iyo Maamul Wanaagii Qurba-joogu ku soo arkeen Wadamada Aduunka ugu Aqoonta badan ee ilbaxnimada iyo Maamul Wanaaguna hoyga u noqday ee ay ku noolyihiin,iyadoo Bulshada S/land iswaydiinayso, Ma jiraa cashar kaliya oo dhanka Nidaamka Dawladnimo,Maamul Wanaaga,Ilbaxnimada iyo Aqoonta lagu tuhmo oo lagaga dayan karo Qurba-jooga  Xillalka kala duwan ka soo qabtay Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ? Jawaabta Su”aashaasi waxaan ku soo koobayaa Bulshada S/land waa MAYA .

maxamed cabdilaahi iyo Donal pay

Iyadoo si gaara Bulshada G/Gabiley isku waydiinaysa Su”aalahan,Ma jiraan Horomar Iyo Waxqabad uu ka qabtay Deegaanada G/Gabiley  oo Bulshada ku xasuusato kuna soo dhawayso? Xidhiidh intee leeg ayuu la lahaa qaybaha kala duwan ee Bulshada G/Gabiley? Ma jiraan dhaawacyo ku soo gaadhay sahankii Furitaanka Wadahadalada Soomaaliya Iyo S/land himiladii Bulshada S/land Jamhuuriyada S/land ? Dr Maxamad C/laahi Cumar Maka korodhsaday waayo Aragnimo isbadaladii Cimilada  Siyaasada ee ku dhacay muddadii uu Wasiirka Ka ahaa Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ?Todoba Sanno ka dib faraq intee leeg Ayaa u dhexeeya kaalintuu kaga jiray Dr Maxamad C/laahi Cumar Xisbigii Kulmiye ee Madaxwayne Siiraanyo Murashaxa Madaxwayne ka ahaa iyo Kulmiyaha maanta ee Muuse Biixi Murashaxa ka yahay? Dr Maxamad C/laahi Cumar Ma ogyahay dagaalkuu ku burburiyay Hankii Siyaasadeed ee Siyaasiyiin Deegaanka G/Gabiley ka soo jeedaa isku Bahaysteen in ay Furaan Urur Siyaasadeedkii Jamhuuriga ? iyadoo Aan qormo kaliya lagu soo koob Karin waxaan ka jawaabi doonaa Afarta Su”aalood ee u horeeya si aan Bulshada S/land ugu iftiimino in fahamkii saxda ahaa ee Bulshada ee qaybaha kala duwan ay ka xoog waynaadeen Fariimaha Qabyaalada Xambaarsan,balse Afarta Su”aalood mid mid aan ugu jawaabo.

dr mxamed dhako wayne

1: Jawaabta Su”aasha koowaad waxay ku soo koobayaa la ma hayo Horomar iyo Waxqabad uu ka qabtay deegaanada G/gabiley oo bulshada ku xasuusato kuna mutaystay in la soo dhaweeyo,waxaana hubaala in aanu mudnayn in lagu soo dhaweeyo deegaanada G/gabiley, Akhriste adba aan ku waydiiyee ma haysaa cadaymo cad oo lagu qanci karo oo muujinaya in uu deegaanada G/gabiley Horomar iyo Waxqabad ka qabtay ?

2: Waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Arimaha Dibada iyo Ganacsiga,Dr Maxamad C/laahi Cumar aanu Xidhiidh la lahaan jirin qaybaha kala duwan ee Bulshada G/Gabiley marka laga reebo Laba Caaqil iyo Suldaan waxaanu ku suntanaa Masuul gooni socod ah oo Xidhiidhba la lahayn Bulshada ee G/Gabiley.

3: Mar kale waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in Dr Maxamed C/laahi Cumar     uu dhaawacyo soo gaadhsiiyay himiladii Bulshada S/land,iyadoo taariikhda lagu xusi doono jidkii guracnaa ee ay cagta saartay s/land muddo xileedkiisii,isagoo noqday Wasiirkii u horeeyay ee Wasaarada Arimaha Dibada soo mara ee muddo xileedkiisas furay Wadahadalada Soomaaliya iyo S/land,dhaawacyada ka soo gaadhay himaladii Bulshada S/land, ayaa sida dayaxa Shan iyo Tobnaadka u hor iman doonaan Mustaqbalka dhaw Bulshada S/land .

4: Hadii aan isdull taago jawaabta Su”aasha afraad waxaa hubaala in siyaasiga Dr Maxamed C/laahi Cumar lagu tilmaamo Siyaasiyiinta aanay waxba uga kordhin waayo aragnimadii iyo isbadaladii Cimilada Siyaasada ee ka soo maray Murashaxa Madaxwaynaha Kulmiye Muuse Biixi,muddaduu xillka ka hayay Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo.

Isku soo wada duuboo waxay Bulshada S/land iswaydiinaysaa,Ma Mudan Yahay In Ay Bulshada G/Gabiley Soo Dhawayso Wasiirkii Hore Ee Wasaaradaha Arimaha Dibada Iyo Ganacsiga Dr Maxamad C/laahi Cumar? Jawaabtuna waa Maya.

WAJAALENEWS DESK

WRITING BY WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS