|
|||||
WAJAALE NEWS
Liiska Heshiisyada Iyo Mashaariicda Ay Xukuumada Waddani Dib-U Eegis Ku Sameyn Doonto Haday Xukunka Hesho Qalinkii A/Fidhinle.
November 12, 2017 - Written by Reporter:Mashaariicda muga leh ee dib u eeginta lagu sameyndoono haduu Xisbiga Wadani xukunka qabsado insha allah!
1- Heshiiska hor-dhaca ah ee DPW ee Xaqul qalinka la dhaafsaday 2- Heshiiska Saldhiga Berbera oo bad iyo beriba leh 3- Heshiiskii Haamaha Shidaalka ee Berbera 4- Heshiiskii lala galay shirkada Shidaalka baadha ee Genel Energy 5- Heshiiskii lala galay Shirkada Shidaalka baadha ee DNO 6- Heshiiskii Shirkada Shidaalka Baadha ee International Patrolium investment Chine ( IPIC) 7- Heshiikii lala galay shirkada Chiniska ah ee macdanta ka qoda Buurta Samoodi ee degmada Baki 8- Heshiiska lala galay shirkada shidaalka baadha ee Sterling Energy 9- Heshiiska lala galay shirkada Shidaalka baadha ee RAK-GAS 10- Heshiiska lala galay shirkada shidaalka Baadha ee ASDAN 11- Heshiiska lala galay shirkada Shidaalka Baadha ee AVEAL 12- Heshiiska lala galay shirkada shidaalka baadha ee ASANT OIL. 13- Heshiiska Shirkadan Kheyraadka dalka sherarka ku gashay ee BETRO SOMA 14- Heshiiska Shirkadan Kheyraadka dalka sherarka ku gashay ee EAST AFRIACAN RESOURES 15- Heshiiska shirkadan Kheyraadka dalka sherarka ku gashay ee JACKA RESOURCES 16- Heshiiska ku saleysan qaado aan qaatee ee Wershada Sibidhka ee Berbera .
Waxaa laga dhawaajiyey in dhamaan heshiisyada lala galay shirkadahan aan Baarlamaanka la soo marin.
1- Mashuurca Biyo gelinta Caasimada Hargeisa ee Xunbo weyne oo $152 Million lagu lunsaday 2- Mashruuca Hayada DFIT ku bixisay 6-da Mashruuc ee tamarta Qoraxda 3- Mashruuca ( Public finance management system oo lagu raamsaday $ 7 million dollar 5- Qandaraaska dhismaha Cisbitaalka Laascaanood iyo Ceerigaabo $ 9 Million lagu raamsaday 6- Qandaraaska Shifo ee dayactirka Cisbitaalka Ceerigaabo oo midigeys iyo oodeys laga dhigtay 7- Qandaraaska WFP-da ee Gobolada bari oo lacag badan lagu lunsaday oo aan la gaadhsiin goboladaas. Waxaa iyana baadhis xoogan la gelin doonaa Hantidii maguuraanka aheyd ee ganacsatada iyo dadka qaarka ah laga iibiyey oo la weydiin doono lagana codsan doono in ay rasiidhadii ay ku iibsadeed hantida ummadda ay badka soo dhigaan. Xukuumada Wadani waxay 60 ka cisho ee hore sameyn doontaa Hayada La Dagaalanka Musuq-Maasuqa si ay u baacsadaan Shirkadihii sameyska ahaa iyo shaqsiyaadkii magaca dawladnimo dalka ku dhacay 7-dii sanadood ee la soo dhaafay. Xukuumada Wadani 80 cisho ee hore waxay cabir saari doontaa xawliga sicir bararka si ay u yareyso una xakameyso sicir bararka dalka ku baahay, waxaana ay sameyndoontaa Hayada Xakameynta sicir bararka .Xukuumada Waddani 100 cisho ee hore waxay Siyaasad cad u sameyn doontaa dhaqaalaha dalka waxaa ay awooda u soo celindoontaa Banka dhexe ee Somaliland. Waxaana ay Bananka Private ka hoos keeni doontaa Banka Dhexe ee Somaliland.
Waxaa shacabka Codbixiya-yaasha Somaliland laga codsanaynaa in ay codkooda qaranimada iyo wada jirka Somaliland ugu hiiliyaan oo ay codkooda ku doortaan Xisbiga isbedeldoonka ah ee Waddani. Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan.. Shacaboow tira kaa gedmane wax isu gey-geyso oo codkaaga ku dooro Xisbiga isbedeldoonka ah ee Waddani si loo kala jaro silsilada musuq-maasuqa iyo silsilada sicir bararka ee isku lamaan ku waas oo Aafo qaran ku noqday qarankan curdinka ah ee Somaliland. “Anigu Daaha Kama Rogin ee dadkuba wuu arkaayaa.”……… !!
Alleh ayaa Mahad Leh, inafidhinle@gmail.com
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|