Komishanka Qaranka Somaliland Oo Saaka Amba Bixiyey Dhalinyaradii Ka Hawl Galayay Doorashada Madaxtooyada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Komishanka Qaranka Somaliland Oo Saaka Amba Bixiyey Dhalinyaradii Ka Hawl Galayay Doorashada Madaxtooyada
November 8, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Guddiga Koomishanka Qaranka Somaliland ayaa saaka magaalada Hargeysa ka amba bixiyay dhalinyaradii ardayda jamacadaha ahaa ee ka hawl galayay doorashada madaxtooyada Somaliland oo 13 bishan ka qabsoomaysa gudaha dalka Somaliland.

Waxaana dhalinyaradan iyo shaqaalahan saaka ay u kala baxeen goboladii iyo degmooyinkii ay ku qornaayeen inay ka hawl galaan.

Sidoo kalena dhalinyaradii gobolada Bariga Somaliland ayaa iyaguna labada cisho ee soo socday waxay kasoo amba bixi doonaan gobolada ay ku noolaayeen,iyaga oo usoo amba baxaya gobolada galbeedka Somaliland si ay iskugu sii diyaariyaan gudashada hawsha ay u xil saaran yihiin.

Dhalinyaradan iyo shaqaalaha ka amba baxay saaka Hargeysa ayaa ah dhallinyadii wax ka baran jirtay jaamacadaha dalka,waxaana ay iskugu jiraan dhalinyaro wiil iyo gabdho ah,

Qabsoomida doorashada madaxtooyada Somaliland ayaa ay ka hadhsan tahay muddo 5 cisho ah,waxaaa 13 bishan dalka ka dhacayso doorashadii madaxtooyada Somaliland,waxaana ay Somaliland yeelan doontaa madaxwayne Cusub oo manjaraha u haya shanta sano ee soo socota.

COMMENTS
LINKS