Khilaaf Ka Taagan 40 Kalluumaysato Ah Iyo 9 Doonyood Oo Ku Xidhan Magaalada Berbera Iyo Wasiirka Kalluumaysiga Oo Dhinaca Iskaga Riixay Eeddooda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaaf Ka Taagan 40 Kalluumaysato Ah Iyo 9 Doonyood Oo Ku Xidhan Magaalada Berbera Iyo Wasiirka Kalluumaysiga Oo Dhinaca Iskaga Riixay Eeddooda
November 6, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Wasaaradda Kalluumasiga Somaliland ayaa ka hadashay kalluumaysato in ka badan Todobaad ku xidhan xabsiga magaalada Berbera oo tiraddoodu dhan tahay 40 Kalluumaysato ah iyo 9 Doonyood oo ay wateen.
20140904_092545

 

Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax Buureed oo isaga oo ku sugan magaalada Ceerigaabo  ayaa waxa uu sheegay in kalluumaysatadan xidhan ay wasaaraddiisu ogolaansho kallumaysi ka haystaan,isla markaana ay badhasaabka gobolka Saaxil iyo ciidamada Ilaalada Xeebuhu hore ugala hadleen arrintan.
Waxaana uu wasiir Buureed oo ka hadlay arrinkan ayaa waxa hadalkiisu u dhignaa sida tan
“Kalluumaysatadaasi waa kalluumaysato muwaadiniin ah oo kasoo jeeda gobolka Sanaag,sharcina ka haysta wasaaraddda kallumaysiga ,markaa anigu hore ayaan ugala hadlay badhasaabka gobolka Saaxil iyo taliyaha ciidamada Badda oo aan ugu sheegay in nimankaasi sharci u haystaan in ay ka kalluumaystaan badda Somaliland.
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Biyaha ayaa ka masuul ah arrimaha Biyaha haday liisan noqoto iyo waxii badda ku saabsan,markaas nimankaasi waa niman kalluumaysato ahoo reer Sanaag ah,waxaana ay u xidhan yihiin badhasaabka gobolka Saaxil iyo taliyaha ciidamada Badd,waxaan ugu baaqayaa masuuliyiintaas haday nimankaasi dambi galeen iyo hadii kaleba waa inaydun maxkamadda horteeda keentaan,iyaga oo cadaymahoodii soo raacinaya”.
Wasiir Cali Jaamac Faarax Buureed oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray
“Markii aan arrinkan kala hadlay badhasaabka iyo taliyaha ciidamada badda ee aan waydiiyay inay sheegaan dambiga loo haysto kalluumaysatadaas,waxay iigu jawaabeen waxaa wali socda baadhis”.
Gabgabadiina kalluumaysatadan 40 nin iyo 9 doonyood ah ayaa ciidamada Baddu ku qabteen xeebaha gobolka Saaxil,waxaana ay hadda ku xidhan yihiin xabsiga magaalada Berbera.

COMMENTS
LINKS