Khamarada Iyo Qabyaaladdu Maxay Wadaagaan? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khamarada Iyo Qabyaaladdu Maxay Wadaagaan?
November 5, 2017 - Written by Reporter:

Qabyaalada iyo khamradu waxay ka midaysan yihiin inay qofka dambiyo badan sabab ugu noqdaan. Waa kan dambiyadii uu awal diidanaa oo dhan wada
pen2(172).jpg

Khamradu waa hooyada waxyaabaha xunxun oo dhan sida nabigeenu ((SCW inoo shaagay; waayo qofka khamrada ama maandooriyeyaasha kale isticmaala waxay sabab ugu noqotaa inuu dambiyada kale oo dhan dhex dabaasho.

Wuxuu rasuulku ka sheekeeyey: haweeneey nin kala doorransiisay afar mid uun: inuu ilma yar dilo, inuu iyada ka sinaysto, inuu koob khamro ah cabbo iyo inuu hilib doofaar cuno. Ninkii inta fakaray ayuu is yiri khamradaa ugu dambi yar ee koobkaas iska cab. Dabadeed markuu koobkii cabbay ayuu yiri mid kale iigu shub, ka dibna markii miyirkii ka wada tagey ayuu iyadii ka sinaystay, ilmihiina dilay, doofaarkiina cunay.

Qabyaalada iyo khamradu waxay ka midaysan yihiin inay qofka dambiyo badan sabab ugu noqdaan. Waa kan dambiyadii uu awal diidanaa oo dhan wada sameeyey markuu labo koob oo khamro ah ka tuuray. Ninkii koob qabyaalad ah cabbana sidaas oo kale ayuu ugu dhacayaa dambiyadii uu awal diidi jirey. Qabyaaladaystaha iyo khamriiluhu waxay wadaagaan inaan waxba xaaraan ka ahayn oo ay dambiyada galaan iyagoo isla wanaagsan.

Cudurka qabyaaladda waxaa ka dhasha xanuuno ay ka mid yihiin:

  1. jirrooyinka qalbiga gala ee nacaybka, cuqdada, xiqdiga, xasadka, malaha xun iwm  oo dhammaantood qofka ka dilaya diinta, ajarkiisana baabi’inaya.
  2. xanuunanada miskaxda gala, sida: inuu halbeeg qaldan wax ku miisaamo, inuu si qalad ah wax u qiimeeyo, inuu dantiisa iyo danta dadkiisa garan waayo, inuu cadow u adeego isagoo isla fiican, dib u fakar la’aanta iwm,
  3. bugtooyinka dareenka iyo dadnimada dila, sida: xilkasnimo la’aanta, xishood yarida, dareen la’aanta, ku macaansiga xumaha, dhibsiga samaha iwm,
  4. xanuunada afka iyo carrabka ku dhaca, sida: cayda, xanta, been abuurka, isku dirka, yasida iyo xaqiraada, nasab cayga, dhalasho ku faanka, jeesjeeska, jaajuusida iwm,
  5. jirrooyinka xubnaha ku dhaca ee dilka, dhaca, kufsiga, qixinta,  cabsigalinta iwm.

Gabagabadii isaga ilaali xanuunkaan dilaaga ah iyo waddooyinka loo maraba sida aad isaga ilaalisid khamrada, dadka cabba iyo meelaha lugu hayaba, isla markaasna ka qaybqaado sidii looga badbaadin lahaa dadkeena.

alwaqaar@hotmail.com

 

COMMENTS
LINKS