|
|||||
WAJAALE NEWS
Khamarada Iyo Qabyaaladdu Maxay Wadaagaan?
November 5, 2017 - Written by Reporter:Qabyaalada iyo khamradu waxay ka midaysan yihiin inay qofka dambiyo badan sabab ugu noqdaan. Waa kan dambiyadii uu awal diidanaa oo dhan wada Khamradu waa hooyada waxyaabaha xunxun oo dhan sida nabigeenu ((SCW inoo shaagay; waayo qofka khamrada ama maandooriyeyaasha kale isticmaala waxay sabab ugu noqotaa inuu dambiyada kale oo dhan dhex dabaasho. Wuxuu rasuulku ka sheekeeyey: haweeneey nin kala doorransiisay afar mid uun: inuu ilma yar dilo, inuu iyada ka sinaysto, inuu koob khamro ah cabbo iyo inuu hilib doofaar cuno. Ninkii inta fakaray ayuu is yiri khamradaa ugu dambi yar ee koobkaas iska cab. Dabadeed markuu koobkii cabbay ayuu yiri mid kale iigu shub, ka dibna markii miyirkii ka wada tagey ayuu iyadii ka sinaystay, ilmihiina dilay, doofaarkiina cunay. Qabyaalada iyo khamradu waxay ka midaysan yihiin inay qofka dambiyo badan sabab ugu noqdaan. Waa kan dambiyadii uu awal diidanaa oo dhan wada sameeyey markuu labo koob oo khamro ah ka tuuray. Ninkii koob qabyaalad ah cabbana sidaas oo kale ayuu ugu dhacayaa dambiyadii uu awal diidi jirey. Qabyaaladaystaha iyo khamriiluhu waxay wadaagaan inaan waxba xaaraan ka ahayn oo ay dambiyada galaan iyagoo isla wanaagsan. Cudurka qabyaaladda waxaa ka dhasha xanuuno ay ka mid yihiin:
Gabagabadii isaga ilaali xanuunkaan dilaaga ah iyo waddooyinka loo maraba sida aad isaga ilaalisid khamrada, dadka cabba iyo meelaha lugu hayaba, isla markaasna ka qaybqaado sidii looga badbaadin lahaa dadkeena. alwaqaar@hotmail.com
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|