Jaha Wareer Hadheeyay Garoonka Bali Ee Dalka Induniisiya Iyo Albaabada Oo Loo Labay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaha Wareer Hadheeyay Garoonka Bali Ee Dalka Induniisiya Iyo Albaabada Oo Loo Labay.
November 30, 2017 - Written by Wariye:

_98995158_abfd05b8-7c21-4e9c-aad6-56a4c941dfcdHargeisa(wjn):-Safaf dhaadheer iyo jahawareer ayaa hadheeyay furitaanka garoonka kaliya ee ku yaalla jasiiradda Bali ee dalka Induniisiya.

Garoonkaasi ayaa saddex maalmood xirnaa kaddib markii laga cabsaday in halkaasi uu ka dhaca folkaana.

Diyaarado dheeri ah ayaa ka hawlgalaya halkaasi si loo kala yareeyo dadka tirada badan ee dalxiisayaasha u badan ee halkaasi ku go’doonsan.

wjn-xayaysiis

In arrintan xal laga gaaro ayaa waxa ay ku xiran tahay in la helo cimila wanaasgan maadaama haatan dabeylo xooggan ay babinayaan dambas ka dhashay folkaanaha buurta Agung.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa wali isku dayaya in ay dadka ka dhaadhiciyaan in ay ka guuraan agagaarka buurta si ay uga badbaadaan masiibo halkaa ka dhacda.

 

Hargesia office

Wajaalenews.net

Wariye:Abdulkadir Habane

COMMENTS
LINKS