Inamada La Doortiyo, Abaan-Duulahoodow Waa Laydin Aaminay W/Q: Hussein-lucky Mohamed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Inamada La Doortiyo, Abaan-Duulahoodow Waa Laydin Aaminay W/Q: Hussein-lucky Mohamed
November 2, 2017 - Written by Reporter:

Hadaba, Maalinta 13-ka Novermber 2017, waxaa dalka Soomaaliland ka dhacaysa doorasho ay shacabku ku xulanayaan hogaamiyihihii majaraha

 

HUSSEIN-LLAKI (1)(13).jpg

 

Somaalidu waxay ku maahmaahdaa, Gar-eexo ninkii naqay/riday, sadex baa ku og: kii uu garta eexo u naqay waa ku ogyahay inuu cadaalad laawe yahay, kii uu garta eexo ka naqayna ku og inuu caddaalad laawe yahay, ilaahayna ku og inuu caddaalad laawe yahay, Asalkaba, caddaalada iyo garsoorida-suganina waa halbowle waraabiya jiritaanka iyo midnimadda umaddi kuwada nooshahay, gabyaagii weynaa ee Faarax Laanjeer oo arintaas ka hadlaya ayaa tiriyay gabay dheer oo aan tuducdan qiimaha weynle ka xasuusto: RAG CADDAALAD WAAYAA, SIDII CAWSHA KALA YAAC.

Hadaba, Maalinta 13-ka Novermber 2017, waxaa dalka Soomaaliland ka dhacaysa doorasho ay shacabku ku xulanayaan hogaamiyihihii majaraha u qaban lahaa 5ta -sanno ee soo socota, Musharaxiinta tartamaysa oo kala ah Muuse Biixi Cabdi, C/raxmaan Maxamed C/lahi, iyo Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ah sadex muwaadin oo mid waliba isu arko inuu yahay kii ugu haboonaa ee dalkan hogaamin lahaa, balse, codka shacabka aqlabiyadiisa ayay ku xidhan tahay kii dalkan madaxda ka noqon lahaa, iyadoo taladii Alle ee lama dhaafaanka ahaydna ay halkeedii taalo, ciddii uu u qorayna ay hadaba xagiisa ka cadahay, dhinaca kale, marka awooda bashariga ah la eegayo, waxaa iyana saamaynteeda leh sida hadba loo maamulo codka shacabku bixiyo, oo macnaheedu yahay, in haddii si caddaalad iyo dhexdhexaadnimo ku jirto loo maamulo ay taasi noqonayso wax cidkasta qancisa, horseedana u noqota in wax waliba guul ku dhamaadaan, haddii si musuqmaasuq iyo wax is daba-marini ku jirto loo maamulona ay waxkastaaba halkooda ka guuri doonaan, taasoo khalkhal gelin doonta xasiloonida, wada noolaanshaha, iyo horumarka bulshadda. Masuuliyada ugu weyn ee doorashadda maamulideeda waxay dushooda tahay 7-da xubnood ee Guidida doorashadda Qaranka, oo ka kooban 6 nin iyo 1 gabadh ah, , waxa qudha ee laga rabaana waxay tahay inay si caddaaladi ku jirto u maamulaan codka shacabka, waxna ka bedelin sida ay shacabku ku codeeyeen iyo cidda ay aqlabiyadu raacday, alle-na ay kaga cabsoodaan amaanadda ay hayaan, waxaa iman doona culaysyo dheeraad ah oo la idin saaro, oo ay ku jiri karto damaanad-qaad aduunyo, iyo mid mansab, taasoo ujeedku yahay in caddaaladda laydinka fogeeyo, waxaa laydin saari doonaa culays ku qotoma hanjabaado iyo cabsi gelin, waa inaad yeelataan adayg, karti, iyo Kalsooni aad waxaas oo dhan ugu babac-dhigtaan, waayo, caddaald yahankii INA SANWEYNE, ayaa laga hayaa GARI SODOG IYO SEEDI MA TAQAANE, ALLE AYAY TAQAANAA.

Waxaan ku gunaanadayaa, Inamada la doortay iyo abaan-duulahoodow (Komishinka iyo Gudoomiyahoodoow) waa laydin aaminay, ilaahayna waa idinku abaal marin doonaa samaan iyo xumaan-ba hadba kaad ka fashaan amaanadda laydin saaray, mustaqbalkii umaddanina wuxuu ku jiraa sidaad u maamushaan codka dadka ee 13-ka November 2018, taariikhduna waxay idin diyaarisay bogageeda mustaqbalka halkii aad ka geli lahaydeen Xumaan iyo Samaanba,

Wa Bilaahi Towfiiq

Hussein-lucky Mohamed Mohamoud

Email, husseinlucky@hotmail.com

Burco.

COMMENTS
LINKS