Hoy Qabiil Qaran baa Ka Weyn Saddexda Musharaxna Nabada iyo Horumarka JSL baa ka Weyn. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hoy Qabiil Qaran baa Ka Weyn Saddexda Musharaxna Nabada iyo Horumarka JSL baa ka Weyn.
November 18, 2017 - Written by Reporter:

waxaa la odhan karaa waa tiirka koowaad ee nolosha, hadaan nabadi jirin nololi jirimayso sida layiri marar badan
02023(1)

Alle (SWT) ayey mahad oo dhani u sugantahay inaga joojiyey rabshadadii shalay ka dhacday Gobolka todheer iyo meelo ka mid casimada Hargeisa, taasi oo ay dhalisay muran iyo cabasho ka soo yeedhay xisbiga mucaaridka ah ee wadani, taasi oo bulshada Somaliland ku noqotay fajiciso, Waxaanad filanany iyo fallaari waa kaa fajiciyaan. Waxaan fariin u dirayaa dhamanshacbi weynaha ku dhaqan jsl in ay ilaashadaan nabada iyo xasiloonida ay ku naaloonayaan bulshada jamhuuriyada Somaliland, waxaanan leeyahaynabadgalyadu muhimad khaas ah ayay uleedahay jiritaanka aadanaha iyo xayawaanka, waxaa la odhan karaa waa tiirka koowaad ee nolosha, hadaan nabadi jirin nololi jirimayso sida layiri marar badan. Nabadu waa hantida kaliya ee somalilanad aduunka ugu faanto, waana hanti kaliya ee bulshada Somaliland haysataa ee ay wadamada kale ee jaarka dheeryihiin, waxaa quruxbadna in nabada la wada ilaashado qaranimada Somaliland na meel looga soo jeesto, Nabada inaga ayaa ku nool ee yadu inaguma noola. Nabi Muxamed(SCW), marka uu ducaysanayo mar walba waxa uu ku ducaysan jiray ilaahow waxaan ku weydiisanay nabad iyo iiman, taasi oo macneheedu tahay hadii nabad la helo shay kasta waa la heli karaa.Nabaddadhabta ahi ma aha degennaansho la helo oo qudha, ee waa caddaaladda oo la helo.Shaqsigaa wax xukumaya waxuu noqon karaa madaxweyne, Qareen maxkamadeed ama qof mudan sida oday dhaqameed oo gar goynaya ama looga fadhiyo sameynta cadaalada waxaa qasab ah in go’aankaa la mariyo cadaalada. Ilaaheey (SWT) wuxuu quraankana ku yiri dadka cadaalada sameeyo hadii ay waxa ay xukminayaan haku saleeyeen cadaalada. Sidoo kale qofka furaya marqaati hadaladiisa haku saleeyo run iyo sida dhabta ah ee wax u jiraan.Hadaba maatida, maxasta iyo birmagaydada ku dhaqan Somaliland uma baahna rabashado sokeeye, dagaalkana wiil baa ku dhinta ee will kuma dhasho, waxa bulshada ku dhaqan Somaliland midaysay waa qaranimda iyo nabada. Somalidu waxay ku maah maahdaa walaalo is necebi way xoola yareeyaan wayna xabaalo badiyaan. Markaa saddexda musharax waxaa ka weyn jiriaanka qaranimada Somaliland. Waxaan komishanka doorashooyinka qaran ka leeyahay Waxaan kashaada gelin, korkaaga yay dhaamin. Hawsha si fiican baad u wadaan halka ka sii wada alle ha idinku asturo inta hadhay

 

Mohamed Abdirahman Hussein (Xato).

E-mail:- mohamedxato26@gmail.com

Tel_ +252634072688 / 0634159347

MA in Project Planning and Management

Hargeisa- Somaliland

 

COMMENTS
LINKS