Hay’adda Bisha Cas Ee Imaaraat-ka Oo Somaliland Ku Caawisay Qalabka Cusub Oo Kelyaha Sifaynaya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’adda Bisha Cas Ee Imaaraat-ka Oo Somaliland Ku Caawisay Qalabka Cusub Oo Kelyaha Sifaynaya
November 5, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Hay’adda Bisha cas ee Imaaraat-ka ayaa maanta Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ku wareejisay Qalab cusub oo ah Mishiinada kalyaha sifeeya, kuwaas oo ay Dawladda Imaaraat-ku ka hirgalin doonto shan Dal oo ay Somaliland ku jirto.

 

embl.

 

Masuuliyiinta hay’adda Bisha Cas ayaa maanta arrintaas kaga dhawaaqay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanay sheegeen Deeqdani inay wax weyn ka tari doonto baahida Kelya sifaynta ee Bukaanadda Somaliland.

Hay’adda Bisha cas ee Imaaraat-ku waxa ay sheegtay Mishiinadan oo cusub isla markaana casri ah in lagu rakibi doono Cisbitaalka hargeysa, halka kuwii hore la gayn doono goboladda dalka, si ay wax uga taraan baahiyaha dadweynaha ka baxsan Caasimadda.

Dhinaca kale, Hay’adda Bisha cas ee Imaaraat-ku waxay Somaliland ugu Deeqday Raashin, Maacuun, Dhar iyo qalab kala duwan oo ay ugu talogaleen kow iyo toban kun oo Qoys, oo ah kuwii ku barakacay Abaarihii dhawaan ka dhacay Somaliland.

Deeqdan oo taala dekedda Berbera, ayaa maalmaha fooda inagu soo haysa loo qaybin doonaa dadka Barakacayaasha ah iyo dadka jilicdasan, waxaana qaybinta Deeqdan iska kaashan doona Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraat-ka iyo guddidii Abaaraha.

 

COMMENTS
LINKS