Halkan Ka Akhriso: Shan Arrimood Oo Ku Saabsan Doorashada Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhriso: Shan Arrimood Oo Ku Saabsan Doorashada Somaliland
November 10, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Somaliland waa meel nabad ay ka jirto, waxayna ka qabsoomaysa doorashada xilka madaxweynaha, maalinta Isniinta.

 

22281551_2034698760126169_6702986624088531441_n

 

Hadaba shan arrimood oo ku saabsan Somaliland halkan ka akhriso.

Ka hortagga isdaba marinta

Somaliland waxay noqoneysaa meesha ugu horeysay caalamka ee doorashadeeda lagu qabto qalab electronic ah oo wejiga iyo indhaha aqoonsanaya oo lagu magacaabo iris, sida uu sheegay afhayeenka guddiga doorashada, Saciid Cali Muse.

Waxay gacan ka geysaneysaa in lala dagaallamo wax isdaba marinta, iyo in Somaliland ay xaqiijiso in ay qabato doorashadii ugu daahfurnayd qaaradda Afrika.

Qiyaastii 704,000 oo codbixiye ayaa u diiwaan gashan Somaliland.

Xiriirka Finland

Labo ka mid ah seddaxda musharrax ee tartamaya, oo kala ah Cabdiraxman Maxamed Cirro iyo Faysal Cali Waraabe waxay haystaan dhalashada dalka Finland.

Waxay dalkaasi degeen ka dib markuu bilowday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, kaas oo sababay in Somaliland ay ku dhawaaqdo in ay Soomaaliya ka “xurowday”.

Musharraxa seddaxaad, Musee Biixi Cabdi wuxuu ahaan jiray sarkaal military oo ku soo tababartay Ruushka iyo Mareykanka.

Seddaxdaba waxay u loolamayaan in ay bedelaan madaxweynaha xilka ka sii degaya, Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo).

Wuxuu xilka bannaynayaa ka dib markii uu dhammeystay hal xilli oo dhowr goor la kordhiyay. Waxay ahayd in doorasho la qabto, 2015-kii, balse baarlamaanka Somaliland ayaa laba sano oo dheeraad ah ugu daray ka dib abaar daba dheeraatay.

Dood toos loo baahiyay

Markii ugu horeysay, musharrixiinta ayaa ka qeybgalay doodo toos loo baahiyay oo ay kala qabteen Tv-yada, iyo BBC Somali.

Dad badan ayayna soo jiidatay doodad BBC Somali, kuwaas oo baraha bulshada uga doodayay waxa ay ka hadleen musharrixiinta.

Mid ka mid ah arrimaha sida wayn ay uga doodeen musharrixiinta waa heshiiskii lala saxeexday Imaaraatka Carabta ee “saldhigga military ay uga dhisaneyso Berbera”.

Faysal Cali Waraabe iyo Muse Biixi Cabdi way taageersan yihiin heshiiska, waxayna sheegayaan in “aqoonsi caalami ah ay ku helayaan”.

Laakiin Cabdiraxman Cirro ayaa ka soo horjeestay, wuxuuna ku doodayaa in heshiiska Aanu ahayn mid loo maray waddo sax ah.

Wuxuu Murrashaxiinta kale ee ay is hayaan ku eedeeyay “in ay laaluush ka qaateen Imaaraatka”, eedaas oo labaduba si adag ay u beeniyeen.

Maalgelin caalamiga ah, haddii aan la aqoonsan xitaa

Kor joogto caalami ah oo ka kala socota illaa 20 dal ayaa indha indheynaya doorashada, inkastoo Somaliland aysan haysan aqoonsi caalami ah.

Howlgalka kor joogtada waxaa hoggaaminaya Michael Walls oo ka socda jaamacad ku taalla London, waxaana maalgelineysa dowladda Britain.

Dalalka kale waxay bixiyeen maalgashi lagu qiyaasay illaa $20m oo dollar oo lagu bixinayo doorashada, waxaana bixiyay dalal ay ka mid yihiin, Mareykanka, Denmark, Norway iyo Midowga Yurub. Ma jiro dal Afrikaan ah oo toos ugu lug leh.

 

COMMENTS
LINKS