Halkan Ka Akhri 13 Qodob Oo Ka Mid Ah Caqabadaha Horyaala Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhri 13 Qodob Oo Ka Mid Ah Caqabadaha Horyaala Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland
November 23, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Madaxwaynaha cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi waxa hor yaala arrimo badan oo aad u culculus oo u baahan in deg deg wax looga qabto wakhtiga dalku uu ku sugan yahay xaaladda adag iyo duruufo gaar ah oo saamayn taban ku leh nolosha mushtamaca reer Somaliland,inkaste oo xisbiga KULMIYE uu tartanka ku galay barnaamij siyasaadeed ka koobnaa tiirar waa wayn oo ah kuwii uu 2010 ku galay madaxwayne Siilaanyo,hadana dadka u kuur gala siyaasadda Somaliland waxa ay sheegayaan in arrimaha ugu waa wayn ee horyaala madaxwaynaha cusub ay yihiin inuu wax ka qabto wax tiro badan.
23782223_1698572486872780_2008679714_n

Qormadan kooban waxa aan ku eegi doona 13 qodob oo kamid ah meelaha ugu daran ee sugaya in madaxwaynah cusub wax ka qabto kuwaas oo in badan oo kamid ah lagu tilmaamo kuwo dalka gayaysiin kara dhibaatooyin culus hadii aanay xukuumadda soo socotaa wax ka qaban.

Waxaana qodobadan aan ku eegi doono caqabaha horyaala madaxwaynaha cusub ee loo baahan yahay inuu wax ka qabto ay kala yihiin
1- Sicir bararka xadhkaha goostay iyo dhaqaale xumida dalka ku habsatay ee sida ba’an u waxyeelaysay aqlabiyada shacabka
2- Qiimaha dhaca Shillinka Somaliland oo isna saamayn wayn ku leh qodobka hore ee dhaqaale xumida wakhtiga qiimo dhaca lacagta Somaliland heerkii ugu xumaa sanadkan ugu danbaysay.
3- Abaaraha soo noqnoqda iyo qorshe xumida xukuumadda ee ku aadan la tacaalida xaaladaha is badalka cimilada aduunku keeno.
4- Caafimaadka oo xaqiiqo ahaan wali hoseeya,iyada oo shacabka reer Somaliland maanta inta wax haysata oo kali ah ay heli karaan adeeg caafimaad oo fiican balse aqlabiyada shacabka danyarta ah ee daruufuhu ku gadaaman yihiin anay haysan adeeg caafimaad oo ku filan.
5- Shaqo la’aanta baahsan ee xooga dalka (Dhalinyarada) curyaamisay ee keentay in kumanaan kun oo dhalinyaro ah sanad walba dalka ka tahriibaan iskuna tuuraan badda mahlakadaha ah,taas oo galaafatay nafaha dhalinyaro badan oo Qaranka Somaliland kasoo jeeda.
6- Biyo la’aanta guud ahaanba dalka gaar ahaana magaalooyinka waa wayn sida caasimada Hargeysa oo aanay dadka ku nooli biyo helin walin aanu guulaysan mashruucii Biyo balaadhinta caasimadu.
7- kala qaybsanaanta bulshada Somaliland ee uu kaga tagay tartankii riiqda dheeraa ee dhex marayay saddexda xisbi Qaran ee Somaliland iyo qabyaalada soo kala dhex gashay Bulshada ee saamaynta ku yeelatay wada noolaanshihii bulshada iyo is dhex galkii dhalinyarada Somaliland
8- Inuu wax ka qabto qaabka mashaariicsaysan ee dadka qaar uga hodmeen hantida iyo mashaariicda Qaranka ,kaas oo xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ku caano maashay mudadii ay xilka haysay ,iyada oo hanaanka mashaariicda dawlada loo bixiyo mugdi badan iyo musuq-maasuq baahsani ku gadaanaan jiray si gaar ahna loogu naas nuujin jiray dad gaar ah oo siyaalo kala duwan ugu xidhnan jiray madaxtooyada iyo masuuliyiinta kale ee Qaranka Somaliland.
9-Boobka hantida Qaranka min baloodh banaan oo dawladu leedahay guryaha dawlada ilaa mashaariicda ugu wayn ee Qaranka oo lagu soo celiyo sifo dawladnimo xaliibnaan iyo banaan yaalnimo ah (Transparancy).
10- Xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland ay la lahayd Beesha Caalamka iyo gaar ahaan xidhiidhkii diblomaasiyadeed oo sanadihii u danbeeyey si wayn u laciifay oo u baahan dardar galin iyo soo celinta ugu yaraan saaxibadii hore iyo saaxibo badan oo lasoo xero galiyo una ololeeya kana hawl gala aqoonsi raadiska Somaliland ee beesha Caalamka.
11-Adeega xarumaha dawlada u fidiyaan shacabka oo wali aad u hoseeya iyo sidii loo dardar galin lahaa laamaha dawladu sidii ay u hawl gali lahaayeen,iyada oo la wada og yahay in intii xilka Somaliland ay haysay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ay meel hoose maraysay.
12-Kaabayaasha dhaqaale ee dalka oo liita,iyo dhismayaasha wadooyinka dalka oo burbur iyo dayac xoogan ka muuqdo,walow la dhisay xukuumadda madaxwayne Siilanyo,hadana burburka wadooyinka ayaa sababa khasaaraha shilal badan oo sababa dhimasho iyo dhaawac.
13-Xoojinta amaanka iyo jihaynta dhalinyarada bilaa camalka ah.
Qodobadan iyo kuwo kale oo aad u badan ayaa horyaala inuu wax ka qabto madaxwaynaha cusub ee la doortay Md Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadiisa uu soo dhisi doono,waxaana ay bulshadu eegaysaa inuu wax ka qabto balan qaadyadii uu samayn jiray wakhtigii ololaha doorashada madaxtooyada Somaliland.

COMMENTS
LINKS