Gudoomiyaha Maxkamada Sare Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Culus, ka kala Socda 7 Dal Oo u Yimid Doorashada Madaxtooyada Jsl. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Culus, ka kala Socda 7 Dal Oo u Yimid Doorashada Madaxtooyada Jsl.
November 12, 2017 - Written by Editor:

Hargeisa(W,N):-Gudoomiyaha Maxkamada sare ee jamhuuriyada Somaliland ahna gudoomiyaha maxkamada Dastuuriga ah Dr Aadan Xaaji Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti culus oo uu hor kacayay Safiirka  EU-da  Safiiro ku xigeen iyo diblamaasiyiin kale oo ka kala socday wadamada Belgium, Denmark,EU, Filand,Uk, Sweden, iyo Swizerland,

wafti culus 4 wafti culus 3

 

Ujeedada waftigan dalka u yimaadeen ayaa ah sidii ay ugu kuur gali lahaayeen habsami usocodka doorashada madaxtooyada Somaliland oo maalinta bari loo dareeri doono codbixinteeda,13 bishan November.

wafti culus 4

Kulan uu gudoomiyaha maxakmada sare  ku qaabilay waftigan ayaa waxa ay kawada hadleen arimo dhowr ah kuwaasi oo ay ugu muhiimsanayed  sidii ay wax uga ogaan lahaayeen arimaha sharciyada Somaliland iyo Heerka uu marayo  hadii ay cidi cabasho ula timaado khusaysa natiijada doorashada.

wafti culus 6

Sidoo kale Gudoomiyaha maxkmada sare Dr Aadan Xaaji Cali  ayaa xubnahan warbixin kasiiyay  shuruucda dalka ee  uu muwaadiniinta siinayo dastuurka dalka  iyo mudada ay uu u ogolyahay in asxaabtu ay soo gudbiyaan cabashadooda .

Waftigan  balaadhan ee ka socday wadama Somaliland ay xidhiidhka wayn leeyihiin ayaa sidoo kale kulan isla maanta la yeeshay komishanka qaranka Somaliland iyagoo la kulmi doonana murashixiinta xisbiyada tartamaya

Waftigan ayaa dalka ku sugnaandoona ilaa maalinta salaasada iyagoo sidoo kale maalinta bari ah socdaal indho indhayna ah kusoo mari doona goobaha ay ka socoto codbiixntu.

Gabagabdiina waxaa uu Gudoomiyaha Maxkamada Sare Somaliland Si Qoto Dheer uga dhegaystay Aragtiyaha Iyo Qorshayaasha Kala Duwan ee Ay Ka Aamin San yihiin Dawlada Somaliland.

Waxaana Ay Ku Diirsadeen Si Nabad Galyada leh ee aan Ka Jirin Geeska Africa ee Shacabka Somaliland iyo Qarankiisu u Nool yihiin,

Waxaana Gudoomiyuhu khudbad dheer oo u jeediyey uga Waramay Sharciyada kala duwan ee Qaranka Dhinaca Doorashooyinka iyo Sidii Nabadgalyada ahayd ee Ay Hore dalka uga Soo Qabsoomeen doorashooyinkii Ka Horeeyey.

Wufuudan Kala Duwan ee Ka Socota Dalalka Beesha Caalamka Ee Daneeya Qadiyada iyo Madax Banaanida Somaliland Labadii Todobaad ee Lasoo Dhaafay Dalka Somaliland Kusoo Qulqulayey Iyadoo Arrinta Xiisaha leh Ee Saraakiishan Ka Socoda Beesha Caalamku ay uga qayb qaadanayaan Doorashada Madaxweynenimada Somaliland Tahay Nabad galyada Kala Danbaynta iyo Dimuquraadiyada Ka Jirta Dalka Somaliland.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS