|
|||||
WAJAALE NEWS
Gabyaagii Gobaysane: Qamaan Bulxan (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)
November 29, 2017 - Written by Editor:Wiil taaninimo loo qiroo sida talmiiggaasa Aan lagu taxwiyin oo lagdini timaha boodhaynin Mid uun baa tab kula soo baxoo laga tixraacaaye wallee inan ragaw tala aduun taada uun maaha. Gu’gii la baxay Gobaysane oo ku beegnaa hillaaddii 1865 waxa dhashay ama kacaamay gabyaa caan ah oo ay Soomaalidu murtidooda si weyn ugu hal-qabsato. Waxaa raggaa ka mid ahaa maansayahankii weynaa Alle ha u naxariistee Qamaan Bulxan Yuusuf oo ku dhashay deegaanka Qabri-Dahare oo ka tirsan Gobolka Qoraxay ee Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya. AHN Qamaan waa gabyaa lagu tixgeliyo gabay-murtiyeedka. Xeeldheerida suugaanta Soomaalidu waxay ku jir taa sarbeebta, sogordaha iyo sandahnaanta. Qamaan wuxuu saf ka hore kaga jiraa suugaanyahanka ay maansadoodu intaaba midaysay. Waxaana lagu majeertaa maansooyinkiisa murtida iyo mahadhooyinka reebay ee maahmaahda iyo halqabsiga loo sooqaato. Maqaalkan kooban suugaantii Qamaan kuma soo wada qaadan karno, waxanse jeclaystay in aynu milicsano maansooyin muhiim ah oo qaarkood dadka badankiisu yaqaanaan iyo silsiladihii ama doodihii ay ka midka ahaayeen. Aan ku bilaabo gabay duur xulkiisu ahaa dood dhex martay libaax iyo dam’eer iyo habka farshaxannimada ah ee uu u dhigay. Wuxu yihdi: Libaax iyo waxaa seertay miir sogob dam’eeraade Wuxuu yidhi samaan aan cabnee suluq ka dhawr miirta Waxay tidhi sadkay gaan ba’ sane ha ina sooyaamin Wuxuu yidhi si kas taad fashaba biyaha hayna wada seejin Waxay tidhi armaad sibir-qaskaa sir uga jeedaaba Wuxuu yidhi haddaad sidatan tidhi sahay ka qaadoo tag Waxay tidhi inkas taad sidaa tidhi sayndhaw daynmaayo Dabadeedna suluf tii lugtiyo galisay suulkiiba Isaguna kusara joogsayoo madaxa saydh yoo dil Qamaan xilligii uu noolaa waxaa geyiga ka curtay laba silsiladood oo waaweyn. Ta hore waxay caan ku tahay Halac-Dheere. Halac wuxuu taariikhda ku galay hunguri waynaan. Wuxuu ahaa reer Doolood. Waxaanu ardaa-dhig u raacay nin ay isxigeen oo gabadh ka doonay Suldaan Cali Yuusuf oo xaruntiisu ahayd Hobyo. Cali Sharma’arke oo ka mid ahaa odayaasha Hobyo ayaa wax ka tilmaamay hungiri waynaanta Halac-Dheere. Waxaanu yidhi: Gobanimo in ay hiba tohoo hore naloo siiyay Halac-Dheere nimankii wax badan hayn jiraan ahay’e Qamaan Bulxan ayaa ka soo jawaabay tixdaa Cali Sharmaarke waxaanu gaashaanka ku dhuftay gobanimada uu sheegtay. Halkaad Cali Sharma’arkaw natidhi waa huf iyo beene Gobanimo haday hibo tahoo hore laguu siiyay Hoh maxaad u tidhi wiil martiya hilib intaad siisay AHN. Cali Dhuux Aadan oo la safan tixdii hore ee Cali Sharma’arke, kana hor jeeda Qamaan Bulxan ayaa isna yidhi: Halac oo hir dheer la egi haduu hogob ka soo muuqdo Idinkoo la hayb ahiba waa wada habaartaane Harti maxaad ku geli Eebeheen horor hadduu keenay AHN Sayid Maxamed ayaa isna soo galay. Waxaanay u ekaatay in laba dhinc loo kala saftay waxaanu yidhi: Koluu Hiirad oo kale noqdoo ibil la haaneedo Huwan muu u kaco kuma qadeen hodan-qabeenkiiye Hobyo maxaa u dhigay uumiyuu kala hoyaad roone Silsiladdii Guba amaRayid Waagii ay Daraawiish jabtay, hadhaageediina Iimay iyo Carro-Ogaadeen u kacay, ayaa Ingiriisku qalqaaliyay duulaan ballaadhan oo ku-talogalkiisu ahaa in ay soo qabtaan Sayid Maxamed. Sheekooyinka qaar waxay wariyaan Cali-Dhuux iyo col uu wataa in ay qayb ka ahaayeen gulufkaas. Inkastoo colkaasi aanu ku guulaysan qabashada Sayid Maxamed, wuxuu cagta mariyay Qamaan Bulxan iyo beeshiisu wixii ay maadh adduun lahayd, waxaanay qaadeen geela labaxay Hagoogane. Waa dambe ayaa Cali- Dhuux Aadan ibo furay silsiladdii Guba. Waxaanu si ban’ u guubaabiyay beesha uu ka soo jeedo Qamaan Bulxan. Laakiin xusuusta Qamaan kama bixin geelii hogaagane iyo kaalintii uu ku lahaa Cali-dhuux Aadan, waana ta uu ku salaynayo jawaabtiisa Dhiiftoon. Wuxu yidhi: Duunyada fardood maalintaad dalabku qaadaysay Sidii duul Amxaara’a markaad nagu dabraynaysay Aad duubi waynaw sangaha nagu dabaalaysay Intaad haatan ii laba diblayn muudamqado jiidhku Baadida nin baa kula daydaya daalna kaabadane Aan doonahayn in aad heshana daa’in abidkaaye Dadkuna moodi duul wadadhashaan wax u dahsoonayne Dalo malaha aakhiro haddii loo kitaab dayo’e. Barni Sheekh Cabdulle oo qurux iyo qaayo meel isu taagtay ayuu guursaday Qamaan Bulxan. In muddo ah markii uu qabay ayay socdaal gaaban ku gaadhay reera hoodii. Nasiib-darro war dhiilo leh ayaa Qamaan loo soo sheegay kaas oo ah in uu nin kale guursaday Barni. Qamaan Bulxan Jiif iyo joogba waa qaban waayay waxaanu noqday duleed-yuurur. Haybe Cabdulle oo ay saaxiib ahaayeen ayaa ka codsaday in uu giriga u raaco. Kadibna tixdan ayuu Haybe jawaab uga dhigay, waxaanu yidhi. Gartayweeye Haybaw in aan goroda laadshaaye Waxba gogosha haydhigin hurdadu waygu gabilay’e Rag waxgaadhagabadhuuqabooguurninlagusheegay Iyo gabasmariidloo u gala guunjigiihilibka Ugudboonelabadaahalbuugamaladiidaaye Anigunagedaasaanaheeguriga hay gaynin Qamaan Bulxan wuxuu aad uga horjeeday hogaamiyihii Daraawiishta Sayid Maxamed waxaanu qayb ka ahaa Kala-kicii Gurdimi ee lagu shirqoolay Sayid Maxamed inkastoo aan lagu guulaysan dilkii Sayidka,dhawr tixood ayay is dhaafsadeen Qamaan Bulxan iyo Sayid Maxamed .Tixdii aynu qormadan kuballaysinay oo duurxul iyo sarbeeb ahayd ayaa Qamaan tiriyay. Tamed aada adigoo ahoo fara ku taagaystay Tunka yaa ku soo qaban haddaa tered ku xaajooto Miduun baa tusmada kaara roo lagugu taagaaye Wallee inan Ragaw tala aduun taada uun maaha Tixdaa Qamaan Sayidku majeclaysan waana ka soo jawaabay isagoo yidhi:
Qamaanaw qoon-xumadu wey ku ambin doontaaye Adinkaaga lagu madiro uubiyo ceel’e Maandhaw afkaagaad u dhiman aakhiraw samane Qamaan Bulxan yaa isna ku soo noqday waxaanu yidhi Alle-celi codkana waa yaqaan waana caytamay e Carabkiisa saw umabiqiyo codadka nuu baani Nin hadduu cimriyooo waxbadan cagaha meel saaro Koluun baa carshiga mawd ka yimi cunaha taabtaaye Waxbadan baad cokani-dheelmatee calaf go’ baa taagan Waxaa xiisaheeda leh aragti kale oo labadooduba muujiyeen mar Qamaan Bulxan oo Herer ku xidhan loo soo sheegay geerida Sayid Maxamed, warkaa soo been-abuur ahaa. Qamaan majeclaysan waana rumaysan waayay tix kale ayuu sidan ku yidhi: Dhawaaqaale xaajada tagtiyo Adari dhuuxeeda Dhulkaa ii dalooshamay hadday dhab u ekeeyeene Dhagbaa waagu ii yidhi sidaan dheel u yuururay e Sayid Maxamed wuu dhaqanyahee dhimay nin kiisheegay Rabi dhinaca naar hawdhigee wuuna dhuunmuday e Lib tuu dheelmiyo taandhigaa ii dhawaaq -siman’e Sayid Maxamed markii loo mariyay gabaygii Qamaan wuxuu ku jawaabay: Daraaweeshay markii la xujeynayay Qamaan Bulxan haddii aynu dili lahayn Darwiish dhintay buu noqon lahaa. Sidaan hore u soo sheegay, qormo iyo laba toona lagu ma koobi karo murtida iyo maansooyinkii Alle ha u naxariisto’e Qamaan Bulxan. Isaga iyo raggii la ayniga ahaa waxay ahaayeen hormuudka dhidibbada u aasay suugaanta Soomaalida sida uu Hadraawi ku xusay maansadiisa Hal-abuur. Hal-abuurka niman baa Hawraar u bixiyoo Haaneedka Raagaa
Qaban jiray hadhuubkoo Cali-dhuuxna hooduu Ragba kaga horeeyoo Hidda-raacQamaan bay Habar wada jeqeenoo Hadda gabay Salaan baa Dhigijiray higgaadoo Hami Faarax Nuur baan Ladijirin habeenoo Hitiqsiga Gamuuntaa Habrashada aqoonoo Mahadhada kalgacalkiyo Hodan iyo xusuusaha Cilmi haadka duuluu Fari jiray hayaydoo Sayid Maxamed hawlaha Halgankiyo dagaalkuu U hor kacay Daraawiish Hurintiisa jiiftaa U ahayd halhaysoo Ugu dabayn waxaan hanbalyo iyo bogaadin gaadhsiinayaa saaxiibkay Axmed Cabdi Haybe oo dhawaan soo saaray buug uu ku ururiyay maansooyinkii Qamaan Bulxan, nuqul ka midana hadyad ahaan iigu soodiray. Yuusuf Cismaan Cabdule (Yuusuf-Shaacir) Hargeysa Somaliland shaacir12@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|