|
|||||
WAJAALE NEWS
Doorashooyinkii madaxtooyada ee Somaliland hore uga soo qabsoomay iyo side loo kala guuleystay
November 25, 2017 - Written by Reporter:1- Doorashadii shirbeeleedka ee Boorama ka dhacday sanadkii 1993 waxaa is soo sharaxay 2- Doorashadii shirbeeleedka ee Harageisa ka dhacday 1997 waxaa is soo sharaxay
3- Doorashadii madaxtooyada ee dhacday 2003 taas oo aheyd doorashadii JSL ugu horeysa ee ku dhacda hal qof iyo hal cod 4- Doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 2010 oo aheyd doorasho hal cod iyo hal qof ah waxaa tartamay Daahir Riyale Kahin, Ahmed Siilaanyo iyo Faysal ali Dhurwaa waxaana boqolkiiba 49.50 % ku guuleystay Ahmed mohamoud Siilaanyo. Dahir Riyaale wuxuu helay 33.23 %. Faysal Ali Dhurwaana wuxuu helay 17.18 % . Nasiibdaro Ahmed Mohamoud Siilaanyo laguma tilmaamin mudadii dheerayd ee uu xilka hayey madaxweyne qowmiyadeed ee waxaa taariikhda u gashay in uu noqday madaxweyne dhinac u ciiray ka dib markii uu badka soo dhigay Xukuumad dhinac ka raran oo basekeeda iyo baleysinkeedu yahay Jeegaan iyo jifooyin kooban oo ku shuraakoobay ilihii dhaqaalaha iyo hantidii maguuraanka aheyd ee ummaddu wada laheyd.Waxaana laysku raacay in aanu Madaxweyne Siilaanyo shacabka Somaliland ugu hiilin sidii ay codkooda iyo cuudkooda ugu hiiliyeen. 5- Doorashada madaxtooyada ee dhacaday 13/11/17 waxaa tartamay Faysal Ali Dhurwaa, Abdirahman Mohamed Ciro iyo Muse Biixi Abdi waxaana ay guushu raacday Muse biixi Abdi oo ku helay cod aqbaliyad ah oo 55.1% ah, Abdirahman Ciro wuxuu helay 40.73%, Faysal Ali Dhurwaa wuxuu helay sidii caadada u aheyd tirada ugu yar codadka oo ah 4.17% , ka dib markii laga dhawaajiyey in doorashada ay ku gedaaman yihiin mugdi iyo mad-madow fara badan ayaa waxaa Abdirahman Ciro laga guntay odhaahda ah ” umaan tanaasulin Muse biixi Abdi ee dalkeygu damacayga ku burburimaayo dhiigna udaadan maayo” Yeelkeede xukuumada cusub ee jeeni-qaaran ee jeegaamaysan waxaa looga fadhiyaa Barnaamij siyaasadeed run sheeg ah oo dhugta la hela tiirarka iyo baaahiyaha Aasaasiga ah ee ay mikirifoonada kaga adimayeen mudada dheer sida Biyaha, Leydhka, Sicir bararka, Cadaalada, Caafimaadka iyo Waxbarashada. Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Attachments area
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|