|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Jabuuti Oo Ciidamo U Soo Direysa Soomaaliya
November 10, 2017 - Written by Reporter:Djibouti,(W,N)-Xukuumadda Jabuuti ayaa sheegtay in ciidamo kale oo cusub u soo direyso Soomaaliya, kuwaa oo qeyb ka noqon doona howlgalka midowga Africa AMISOM. General Zakariye Sheekh Ibraahim taliyaha ciidamada militariga Jabuuti ayaa sheegay Ciidamadan ay u soo dirayaan Soomaaliya ka codsatay dowladda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay si gaar ah uga howlgali doonaan magaalada Cadaado. Ciidamadan ayaa soo dhameystay tababar in muddo ah u soconayay, waxaana dhawaan ay soo gaadhi doonaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ay uga sii gudbi doonaan Cadaado. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa dhawaan booqasho ku tagay wadamo ay ka mid yihiin Jabuuti, Uganda iyo Itoobiya, oo uu kala soo hadlay sidii garab looga siin lahaa dagaalka dowladda ay kula jirto Al-shabaab. Jabuuti waxaa Soomaaliya ka jooga Kumannaan Askari oo ka howlgal deegaannada kala duwan ee gobolka Hiiraan, iyaga oo saldhigooda ugu ballaadhan Soomaaliya ku leh magaalada Beledweyne.
Related posts:Halkan Ka DAAWO:Wasiirka hawlaha guud oo soo bandhigay liisano Cusub Oo Casri ah Ayna Adeegsandoona... Liisaska Xubnaha Xisbiyada UCID Iyo WADDANI uga qeyb geli doona isku-dubaridka iyo qabanqaabada shir... Telesom iyo shirkada isgaadhsiinta Iboobiya oo 2016 Keenaya Berbera Internetka Bad Hoostiisa Lamariy... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|