Dallada SONSAF iyo Goob-Joogayaashii Beesha Caalamka oo warbixin ka soo saaray Codbixinta Doorashada Somaliland.
November 15, 2017 - Written by Editor:
Dallada Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF, ayaa warbixin ka soo saartay qaabkii ay u dhacday codbixinta Doorashada Madaxtinimada Somaliland.
Kulan ay magaalada Hargeysa ku qabatay Dalladdu oo ay goob-joog ka ahaayeen xubno ka socday goob-joogeyaasha Caalamku, ayaa waxay SONSAF ku sheegtay inay ilaa lix boqol oo goob-jooge Maxali ah u kala dirtay Degmooyinka Doorashadu ka dhacday, kuwaasoo gaadhay 40% goobaha codbixinta lagu qabtay.
Dalladu waxay sheegtay inay si wanaagsan oo nabad-gelyo ah ku soo dhamaatay codbixintu, iyagoo amaan u jeedisay Guddida Doorashada iyo laamaha ammaanka oo ay sheegeen inay si weyn isu xilqaameen.
Halkan ka Daawo: