Dad Ku Dhintay Rabshado Ka Dhacay Dalka Kenya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dad Ku Dhintay Rabshado Ka Dhacay Dalka Kenya
November 19, 2017 - Written by Reporter:

Nairobi(W,N)-Ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyay in xalay lagu dilay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Dadka deegaanka ayaa sheegay in koox ku hubeysan qoryo iyo baangado ay weerareen xaafado kala duwan, ayna ku dileen dad, hantina dheceen.

 

_98816770_f492963a-fa2d-403b-a6fd-179cf208f3fc

Booliska ayaa sheegay in ay baadhayaan dhacdada iyo waxa sababay. Maydadka ayaa lagu tuuray meelo qashin qub ah.

Mid ka mid ah meesha maydadka laga helay – Mathare – waa meesha ay ka dheceen rabashadihii ugu xumaa ka dib doorashadii lagu murmary ee bishii August, sanadkan.

Sabtidii, sidoo kale rabshado ayaa ka dhacay Nairobi kuwaas oo u dhexeeyay booliska iyo taageerayaasha Raila Odinga oo doonayay in ay hoggaamiyahooda soo dhoweeyaan.

Raila oo diiday in uu ka qeybgalo doorashadii ku celiska ahayd ee October ayaa Kenya ka maqnaa 10 maalmood.

Isniinta ayaa la filayaa in mar kale ay maxkamad go’aan ka gaadho doorashada lagu celiyay oo weli sax ahaanteeda lagu muran san yahay.

Wararka ayaa sheegaya in ay isku dheceen booliska iyo dadka deggan isku-raranka dadka lagu dilay ee Nairobi.

Afarta qof ee dilay, oo seddax rag yihiin midna dumar tahay, waxaa ku yaalla dhaawacyo loo maleynayo in ay sababeen baangad iyo middi.

Dilkaasi ayaa sababay rabshado ku faafay xaafadaha qaar ee Nairobi, iyadoo booliska ay isku deyayaan in ay ka hortagaan dad cadheysan oo dibadbaxaya.

Taliyaha booliska Nairobi, Japheth Koome, oo xaqiijiyay dilka dadkaasi ayaa tilmaamay in ay billaabeen baadhitaan, balse wuxuu diiday eedaha sheegaya in dagaal qabiileed ka dhashay xiisadda siyaasadeed ay ugu wacan tahay. Wuxuu tilmaamay in dhacdada ay tahay “shaqada dembiilayaasha budhcadda ah”.

Dilkan ayaa imaanayo maalin ka dib markii shan qof la dilay xilli ay garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi ku soo dhoweynayeen Raila Odinga, taas oo ay ka dhalatay rabsho.

 

COMMENTS
LINKS